Kooxaha EPL oo dacwad rasmi ah ka gudbiyey Horyaalka Sucuudiga (FIFA oo ay haysato hal caqabad)

0

(London) 06 Agoosto 2023 – Kooxaha Premier League ayaa codsan doona in suuqa kala iibsiga ee Saudi Arabia la waafajiyo midka Yurub xilli kooxaha England ay ka cabsi qabaan inay lumiyaan xiddigahooda muhimka ah.

Xilli ay ciyaartooydii ugu badnayd u dhoofayso Saudi Arabia, naadiyada Premier League ayaa isku dayaya wax walba si ay u ilaaliyaan ciyaartooyda qaaliga ah.

Daily Mail ayaa ku warramaya in xiriirka kubada cagta FA-gu uu ka warqabo walaaca ay iftiimiyeen macallimiinta Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ee ah in daaqadda Sucuudigu uu furaan doono usbuuc ka badan kan Premier League, taas oo la macno ah in kooxaha lagu khasbi karo inay ciyaartooy muhim ah ka iibiyaan Sucuudiga oo malaayiin farraqaya, xitaa kaddib marka uu xirmo suuqa Yurub, taasoo dhalinaysa inay beddelkooda sugaan ilaa Janaayo.

SAWIRKA WAYN: Codsi kasta oo rasmi ah waa inuu ka yimaadaa FA-ga laakiin isbeddelka la codsaday lama hirgelin karo sanadkan. Haddii codsigan uu ogolaado FIFA, waxa uu bilaaban doonaa sanadka soo socda, waxaana laga yaabaa in Sucuudi Carabiya ay si fiican u aqbalaan isbeddelka iyagoo isku dayaya inay la jaanqaadaan waddamada horay u lahaa horyaallada waawayn.

Daaqadda wax kala iibsiga hadda ee ay kooxaha Sucuudigu ku iibsan karaan ciyaartooyda cusub waxa ay xirmaysaa 7-da Sebtembar, taasoo ka dhigan 6 maalmood kaddib waqtiga kama dambaysta ah ee la xirayo suuqa kooxaha Premier League.

Fabinho - Ittihad 2023

Riyad  Mahrez Ahli 2023

Rúben Neves

Hadalsame Media