(Muqdisho) 06 Agoosto 2023 – Shalay keliya garoonka Istaadiyo Muqdisho waxaa cayaarta la hakiyay saddex jeer. Waxaa garoonka soo galay saddex canug oo raba in la buunbuuniyo. Midkii koowaad booliiska oo bursanaya ayuu cagahiisa ku baxsaday.
Midka labaad booliiska ayay qaraabo ahaayeen sida aan u fahmay oo qof la hadashay ma jirin. Markii uu garoonka ka soo baxay wuxuu iska fadhiistay VIP-da. Midka saddexaad waa yarkaan ay Astaan u sameysay buunbuuninta.
Shalay markii ay cayaartu dhammaatay albaabka waxaa is qabsatay rasaas. Ka warran garoon ay iskugu imaanayaan ku dhowaad 10 kun oo qof oo leh keliya laba albaab. Isbuurashada meeshaas ka dhacday iyo fowdada ka jirtay lama qiyaasi karin.
Berigii hore wuxuu garoonku lahaa albaabbo badan oo dhinacyada towfiiq, Xamarjadiid iyo Gubta loo kala aado, balse hadda waxaa laga wada baxaa halka albaab ee Xamarjadiid xiga.
Dadkii shalay dhinaca Calikamiiin ka baxay waxaa dhagax kala daalay cayaal weero meesha ku diyaarsanayd. Bulshada jecel kubadda cagta waxay ka sii niyadjabayaan daawashada horyaalka iyo koobabka kale intaba.
Cayaaraha soo socda waxaa la arki doonaa tiro ka badan kuwa hadda ku dhiirranaya in cayaarta oo socota ay garoonka galaan si idaacaduhu u buunbuuniyaan. Waxaa xitaa macquul ah in cayaartoyda ay waxyeello gaarsiiyaan, maxaayeelay waa dhallinyaro u waalatay qaabkii ay caan ku noqon lahaayeen oo ay u abuuran lahaayeen hadalheyn iyo soojiidasho.
Halis iyo dayac badan ayaa ka muuqata garoomada kubadda cagta ee Muqdisho.
W; Q: Cabdirisaaq Xasan Jidhi
Hadalsame Media