(London) 06 Agoosto 2023 – Xildhibaannada Britain ayaa ka digey soo dejinta baabuurta korontada ku shaqeeya ee Shiinaha, iyaga oo ku andacoonaya in tignoolajiyad ku dhex jirta loo isticmaali karo in lagu basaaso muwaadiniinta British-ka ah, sida uu qoray wargayska The Telegraph Sabtigii.
Xilli uu Shiinuhu uu hoggaaminayo suuqa caalamiga ah ee gawaaridan korontada ee EV, baabuurta Shiinaha ee jaban ayaa la saadaalinayaa inay qabsan karaan suuqa iibka baabuurta UK, sida ay warbixintu tiri.
Haatan se koox xildhibaano ah oo ka kooban xisbiyo kala duwan ayaa walaacooda u gudbiyey Dowladda Britain iyagoo isha ku haya in Beijing, ay “khatar amni soo kordhisey.”
“Haddii lagu soo sameeyey waddan sida Shiinaha oo kale ah, sidee ayaad u hubin kartaa inaysan noqon doonin gaadiid lagu ururiyo macluumaadyo sir ah?
“Haddii aad leedahay baabuur koronto ah oo ay sameeyeen waddamo markii horeba u adeegsan jiray tignoolajiyad ay wax ku basaasaan, maxay u diidaya inay gaariganna sidaa oo kale u isticmaalaan?” Ayuu yiri sarkaal sare oo Dowladda ka tirsan oo aan magaciisa la sheegin oo la hadlay The Telegraph.
Baaqan ayaa yimid kaddib markii uu soo baxay sharci cusub oo ay dowladdu soo saartay, iyadoo shirkadaha baabuurtu ay wajahayaan in la kordhiyo gawaarida elektaroonigga ah, kahor inta aan la mamnuucin gawaarida ku shaqeeya shidaalka iyo naaftada 2030-ka.
Hadalsame Media