(Kiev) 05 Agoosto 2023 – Madaxwaynaha Ukraine, Vladimir Zelensky, ayaa lagu soo waeramayaa inuu ka walaacsan yahay in wadamada reer Galbeedku ay sare u qaadaan cadaadiska si ay heshiis nabadeed ula galaan Ruushka, kaasoo soo afjaraya colaad dhiig badan ku daatay oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo ciidamada Kiev ah labadii bilood ee la soo dhaafay oo qura.
“Iyadoo dagaallo ba’ani ay ka socdaan jiidaha hore ee dagaalkii ugu dhiigga badnaa Yurub muddo tobanaan sano ah, Mr. Zelensky wuxuu u sheegay danjirayaashiisa Arbacadii in arrimuhu ay sii adkaanayaan, maadaama ay u badan tahay inuu bilowdo cadaadis badan bilaha soo socda si loo helo wada xaajood nabadeed.” Ayuu qoray Wargayska New York Times Sabtigan.
Madaxwaynaha Ukraine ayaa ku tilmaamay kulankii Arbacada ee Kiev ee uu la yeeshay diblomaasiyiinta inuu yahay “kulan istiraatijiyadeed oo deg deg ah” oo looga arrinsaday shirwaynaha nabadda ee Ukraine ee dhamaadka usbuucan ka furmay Sucuudi Carabiya, ayuu yiri wargaysku.
“Kulanku waa bar bilowga ah wax la filayo inuu noqdo cadaadis wayn oo diblkmaasiyadeed oo ku fooggan Ukraine bilaha soo socda si ay isugu dayaan inay la heshiiyaan Ruushka.”
Ruushka ayaa sheegay in dalalka Galbeedku ay shirka Sucuudiga ku doonayaan inay dalalka dhexdhexaadka ah ku boorriyaan in ay cambaareeyaan Ruushka.
Waxay kaloo ku doodayaan in Galbeedku ay ilaa haatan dagaalka Ukraine ka dheefeen burburka iyo baaba’a dalkaasi.
In ka badan 43,000 oo askari oo reer Ukraine ah ayaa lagu diley tan iyo markii Kiev ay bilowday weerar rogaal-celis ah oo ka dhacay gobolka Donbass horraantii bishii Juun, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku Jimcihii.
Hadalsame Media