Shirkad Jarman ah oo agab xasaasi ah Ruushka siisa oo diiddey go’aan muhim u ah Galbeedka

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2023 – Shirkadda soo saarta mashiinnada beeraha ee Jarmanka ee CLAAS ayaa sii wadi doonta INAY Ruushka ka iibiyaan mashiinka beeraha lagu guro inkasta oo la hakiyey heshiiskii badarka, sida uu sheegay Jan-Hendrik Mohr, madaxa fulinta ee shirkadda.

Waraysi uu siiyey Suddeutsche Zeitung, Mohr ayaa wuxuu shaaciyey in CLAAS aysan awoodin inay iskaga tagto mid ka mid ah gobollada ugu muhiimsan beeraha adduunka.

Waxa uu go’aankan u sababeeyey inay tahay tilaabo bini’aadminnimo ah, maadaama uu howshooda u arko mid qayb ka ah “wax ku biirinta sahayda cuntada aduunka.”

Mohr ayaa dhanka kale ku tilmaamay joojinta heshiiskii badarka mid “Niyadjab leh”, isagoo xusay inay saamayn doonto Moscow iyo Galbeedka labadaba sababtoo ah Ruushku wuxuu ka faa’iidi lahaa awoodda wax iibsi ee Galbeedka.

Galbeedka ayaa cunaqabatayn wixii ay awoodeen kusoo rogey Ruushka, balse weli waa joojin la’yihiin.

Hadalsame Media