(Hadalsame) 05 Agoosto 2023 – Doorashadii 2022 wuxuu ku soo galay in uu musuqmaasuqa la dirirayo, laakiin xaaskii hore ee wiilkiisa oo waraysi bixisay ayaa sheegtay in ninkeedii hore oo wiilka madaxweynaha ah uu lacag ka qaatay kooxo ganacsato ah uuna taa beddelkeeda u balanqaaday in kolka aabihii xukunka ku guulaysto uu wax la qaban doono.
Ganacsatada oo uu ku jiro Senator hore ayaa lala xariirinayaa in ay maandooriyaha ka ganacsadaan.
Booliska ayaa baaritaan kaddib xiray haweenaydii, muddo ka dibna wiilkii madaxweynaha ayey qabteen.
Madaxweynihii oo xarigga wiilkiisa ka jawaabaya ayaa barta Twitter-kiisa ku qoray;
“Waxaa laga arkaa tani in ay dhisto dabeecadihiisa dadnimo, gefkiisana uu wax ka barto, sharcigu si xor ah hawshiisa ha u wato”.
Wiilkiisa ayaa qirtay in uu lacag ka qaatay ganacsatada lagu eedeyey ee daroogada ka beecmushtara, isagoo sheegay in uu lacagta qaarkeed ku bixiyey ololihii doorashada aabihii.
Madaxweynaha oo mar kale taa ka jawaabaya ayaa tweet kale ku yiri;
“Warka aan maqlayo waa mid xanuun badan, waxaan mar kale ku celinayaa in aysan jirin cid sharciga ka sarraysa, cadaaladda si siman ha u dhaqan gasho”
Gustavo Petro oo ah madaxweynihii ugu horreeyey ee bidixda ah oo talada dalka Colombia qabta ayaa markii la doortay 2022, la yimid laba ajende oo ah musuqmaasuq la dirir iyo qorshe uu ugu yeeray “Nabad Buuxda” kasoo uu sheegay in uu kusoo afjarayo colaadda galaafatay boqollaalka kun ee nafood oo sanadaha badan ka taagan dalka Colombia, taasoo ay wadaan jabhado hubaysan oo bidixda ah iyo kooxo danbiyada abaabulan ku hawlan.
Laakiin Gustavo ayaa wajahayaa fadeexadda musuq ee uu wiilkiisa ku lug leeyahay ololihiisa doorashana lala xariirinayo, mucaarad xoogan oo midigta ah oo doonaya in ay qorshihiisa fashiliyaan, xukunkana ka tuuraan.
Sheekadan ayaa noqotay tan dunida loogu hadal haynta badan yahay, iyadoo indhaha lagu wada hayo sida Gustavo u maareeyo danbiyada musuq ee wiilkiisa loo haysto, taasoo fure u ah ololihiisa musuqmaasuq la dirirka.
Colombia ayaa ah dal ay colaad, eex iyo musuq dilooday, lana waayey hoggamiye ku dhac leh oo musuqa la dirira, colaadana soo afmeera.
W; D: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Hadalsame Media