Cidda ku faa’iidey dagaalka Ukraine & Labada dal ee doonaya inuu sii socdo + Labo ku fahamsan

0

(Hadalsame) 5 Agoosto 2023 – Dagaalka Ukraine waxa uu socdaa muddo sanad iyo bar ah, sida muuqata waxa bilaabmi raba waan waan iyo sidii dagaalkaas loo joojin lahaa.

Waxa la isweydiinayaa yaa Dagaalkaas ka gaaray guulo..?

1. Ukraine waa dalka kaliya ee aan waxba ka faaiidin dalkaas, dalkiisii, dhaqaalihiisii, hubkiisii iyo ciidamadiisii la burburiyay, rabitaakiisii ahaa in uu NATO ku biirayana aynaan hirgelin.

2. Ruushku, waxa uu xaqiijiyay laba arrimood oo waawayn;

A. Waxa uu Meesha ka saaray in Ukraine ku biirto Xulafadq NATO. Waxkasta haku qaadatee waxa muuqata in Ruushku sababtii 1aad ee uu dagaalka u galay ay hirgashay.

B. Waxa uu tijaabiyay awoodda hubka iyo taaktikada Military-ga Ee NATO. Ruushku waxa uu ku guulaystay in uu awood u yeeshay in burburiyo hubkii, Nidaam difaaceedkii ugu hormarsanaa Ee NATO siisay Ukraine, sidoo kale waxa gacanta ku dhigay Taangiyadii ugu muhiimsanaa ee Reer galbeedku soo saareen.

3. Reer Galbeedku, waxa ay tijaabsadeen hubkooda, kahor inra aysan gelin dagaal, dhamaan dowladaha ku midaysan NATO hadda waxa ay ogyihiin awoodooda Military inta ay la egtahay.

Khubaradu waxa kaloo ay sheegayaan in wadamada Europe sida; France, Germany iyo kuwa Scandavians-ku aysan doonayn in dagaal lala galo Ruushka, waxa ayna ku sababaynayaan in aan dagaal dhaqaalo loo hayn, xilligiisina aan la joogin.

UK and USA, waa labada dowladood ee raba in dagaal la geliyo Midowga Europe, dan ay ka leeyihiinba, laakiin waxa muuqata in Jarmalka iyo Faransiisku fahamsan yihiin dhagarta Maraykanka.

-Ruushku maadaama aysan hadda waxba u dihanayn, tijaabiyayna awooddiisa iyo tan Reer Galbeedka, waxa uu doonayaa in uu soo ceshado Wadamaddii ay ka arrimin jireen Soviet Union-ka, waliba kuwa dhaca bariga Europe. Tan waxa ay soo dedejin kartaa in dagaalkale bilowdo.

Aragtidaada.

W; Q: Cumar Maxamuud Amoore

Hadalsame Media