Arrin kale oo dad hor leh ka yaabisay oo kusoo korortay “orodyahan” Nasra Abuukar

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2023 – Nasra Abuukar ayaa ku fashilantay orodkii fagaxda ahaa ee 100m ee Jaamacadaha Adduunka.

Yeelkeede, sida ay u orodday, booska ay gashay iyo musuq lala xiriiriyey ayaa keenay inay aad arrinteeda u qaadqaaddo warbaahintu maxalliyan iyo caalamiyanba.

Nasra Cali Abuukar ayaase haatan yeelatay degel caalami ah (profile) waxaana durbadiiba la sameeyay Wikipedia 3 luuqad haatan maraya oo iyada ka sheekeenaya: Ingiriis, Shiinees iyo Af-Turki.

Nasra ayaa haatan sidaa uga caansan dad badan oo siyaasiyiin, suxufiyiin iyo gayfanayaal ah oo muddo dheer la yaqaanney.

Halkan ka eeg…

Hadalsame Media