(Hadalsame) 05 Agoosto 2023 – Maanta, ugu dambeyn, Laascaanood waxaa lagu dooran doonaa hoggaamiyaha iyo kuxigeenka Maamulka SSC-Kaatumo.
Labadan jago waxaa ku loolamaya shan musharax, saddex doonaya hoggaanka iyo laba kale oo ku tartamaya kuxigeenka.
Warbixintan waxaan ku eegi doonnaa, yaa wax dooraranaya, waa kuweee musharixiinta, maxaa lagu kala xulanayaa iyo waxa ay ka dhigan tahay doorashadan?
Yaa wax dooranaya?
Shan iyo afartan xubnood oo ka mid ah Golaha Dhexe oo dhigma Barlaamaaan ayaa leh awoodda doorashada.
Golahan oo metelaya dhammaan beelaha deegaanka ayaa doortay hoggaankooda toddobaadkii tagay dabayaaqadiisii, waxaana ku soo baxay Jaamac Yaasiin.
Yaa ku loollamaya Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo?
Jagada ugu sarreeya waxaa ku baratamaya saddex musharax – Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye, Bashiir Xaaji Cali -Jamaal iyo Eng. Maxamed Ismaaciil Bulaale.
Saddexdan musharax oo si weyn uga qeyb-qaatay halganka Somaliland looga sifeeyey inta badan deegaanada SSC-Khaatumo waxa ay wadeen ol’olaha uu mid walba ku doonayo in u uku guulesyto.
Xilka Hoggaamiye Kuxigeenka waa goob kale oo uu loolan adag ka jiro. Waxaa ku tartamaya Dr. Maxamed Shiine Ismaaciil oo ah nin dhallinyaro ah, inta badan waqtigiisa ku qaatay deegaanka, kana soo shaqeeyey arrimaha bulshada sida caafimaad. Shiine sidoo kale waxa uu laf-dhabar u ahaa halganka socda haddii ay ahaan lahayd abaabulka iyo isku-xirka dhallinyarada.
Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan waa musharaxa kale ee u taagan xilka Hoggaamiye ku-xigeenka.
Dr. Aden waa oday waayo arag ah, heerka aqoontiisu tahay PhD, sida u uku sheegay khudbaddii musharaxnimadiisana u taagan qadiyado badan oo wax-tar u leh hayaanka maamul-dhis ee SSC-Khaatumo.
Hadaba, maxaa lagu kala xulanayaa musharxiinta tarameysa?
Sida ay u badan tahay aragtida dadweynaha, musharixiintu ku ol’oleeyeen, afar qodob ayaa laga eegayaa Hoggaamiyaha loo dooranayo Maamulka SSC-Khaatumo
1 – Ma yahay mid ku habboon xaaladda uu hadda ku sugan yahay deegaanka?
2 – Xiriirka isaga iyo Somaliland
3 – Fahamkiisa siyaasiga ah ee Soomaaliya
4 – Ma isku wadi karaa dadka degaanka?
Ma yahay mid ku habboon xaaladda deegaanka hadda ku sugan yahay?
Sida ay inta badan qabaan wax-garadka iyo dadweynaha, Hoggaamiyaha xilligan adag doonaya in uu hoggaamiyo SSC-Khaatumo waa in uu ahaado mid la falgali kara xaaaladda dagaal ee lagu jiro, leh astaamo ciidan iyo afkaaro la’imaan kara curin militari si ciidamada Somaliland gebi’ahaanba looga sifeeyo goobaha ay kaga harsan yihiin deegaanka, loona soo gaba-gabeeyo dagaalka.
Xiriirka isaga iyo Somaliland?
Shabaadda ugu halista badan ee lagu dhufto Isim, ganacsade iyo siyaasi ka soo jeeda SSC-Khaatumo waa in uu xiriir la lahaa, la leeyahay ama ugu nugul yahay maamulka Hargeisa.
Nooca hoggaamiye ee ay sugayaan in la doorto shacabka SSC-Khaatumo waa mid ka caafimaad qaba sifooyinkaas.
3 – Fahamkiisa siyaasiga ah ee Soomaaliya
Bulshada waxa ay qabaan in hoggaamiyaha xilligan ee SSC-Khaatumo fahan buuxa ka haysto is-diidooyinka siyaasadeed ee Somalilad. Waxa ay leeyihiin, SSC-Khaatumo halista ugu yar ee siyaasiyan ay wajahaan waa Somaliland, waxaa-se loo baahan yahay in uu hoggaamiyaasi leeyahay aragti iyo farsamooyin diblomaasiyadeed oo ku kala -ilaayo danaha is-iska soo horjeeda ee Puntland iyo Dowladda Federalka soomaaliya! Sidoo kale, waa in uu horumarin karo xiriirka dowladaha jaarka ah iyo beesha Caalamka.
4 – Ma isku-wadi karaa Bulshada degaanka?
Xilliga colaadaha, waa waqtiga ay ugu midnimada xoogan yihiin bulshada markaas deegaan wadaaga ama isir – kama duwana reer SSC-Khaatumo! Hase yeeshee, dadkan deegaankan waxa ay aaminsan yihiin in maanta ay doonayaan qof sii xoojiya taas, taariikhiyan, bulshadan deegaankan, siyaasad ahaan aad ayey u kala-qeybsanaayeen, hadaba, hoggaamiyaha maanta waxaa laga eegayaa ma yahay kii isku-wadi lahaa?
Hadaba, maxay ka dhigan tahay doorashadan?
Muddo shan bilood ah oo uu deegaanka dagaal ka socday, siyaasiga mandiyaddan waxaa taladiisa gacanka ku hayey Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo.
Maanta wixii ka dambeeya si buuxda aye yuga wareegi doontaa, gaar ahaan arrimaha khuseeya siyaasadda, balse waxa ay ahaan doonnaan sida ku xusan Axdiga KMG ah ee SSC-Khaatumo – Marjac.
W; D: Maxamed Kaafi, Laascaanood
Hadalsame Media