Wiil yar oo Soomaali ah oo qoyskiisa ay Social-ku kasoo wadeen oo maydkiisa kaymaha laga helay (Jir-dil ba’an oo loo gaystey)

0

(Stockholm) 03 Agoosto 2023 – Wiil yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Mohamed “Momo” Sulaymaan ayaa maydkiisa laga helay meel kayn ah oo u dhow Landfjärden ee Nynäshamn. Wiilkan oo 14 jir ahaa ayaa ka yimid Nässjö, waxaana ay booliisku sheegeen in maydkiisa ay ka muuqato in si ba’an loo jirdiley kahor intaan la dilin, sida uu qoray Expressen.

”Wiilkani waxa loo gaystey cunfi ba’an, laakiin ma geli karo nooca cunfiga ku dhacay,” ayay tiri Hanna Cardell, oo ah dacwad ooge sare oo war saxaafadeed soo saartay.

Sida lagu sheegay xog la siiyey Aftonbladet, waxaa wiilka yar ku dhacay dhaawacyo mindi waxaana uu Booliisku ka shakisan yahay in laga helay meel aan ahayn halkii uu dembigu ka dhacay.

Saddex maalmood kaddib markii la helay Maxamed, ayaa waxaa weli baadigoob loogu jiraa wiil kale oo 15 jir ahaa, kaasoo la sheegay inuu ku sugnaa isla meeshii 14-jirkan lagu waayey dhowr maalmood kahor inta aan maydkiisa la helin.

Sida lagu xusay warbixinnada, ugu yaraan mid ka mid ah kiisaskan ayaa waxaa lala xiriirinayaa shabakadda Zero – oo ah shabakad caan ku ah inay dhalinyarada aadka u yar yar adeegsadaan. Shabakadani waxay daacad usii tahay shabakadda Fox – taasoo uu maamulo hoggaamiyaha Rawa ”Kurdiska räven” Majid, iyadoo dilkan lala xiriirinayo arrimaha gaangiska.

Qoyskiisu waxay Sweden yimaadeen saddex sano kahor. Xiliga la waayey wiilkan ayaa ku noolaa guryaha lagu hayo dad ay ka mid yihiin dhallinyarada  qoysaskooda laga soo qaato ee HVB, iyadoo loo gacan geliyey waaxda adeega bulshada kaddib markii ay soo baxeen warbixinno badan oo walaac leh ama waxa loo yaqaan orosanmälningar.

Hadalsame Media