(Stockholm) 03 Agoosto 2023 – Saddex codsi oo ku saabsan isu imaatinno dadwayne oo ay ujeeddadoodu ahayd in lagu gubo Qur’aanka ayaa lala noqday, sida uu sheegay SVT. Codsiyada waxaa ka dambaysey Salwan Momika oo Isniintii lasoo dhaafay ku gubey kitaabka Qur’aanka Kariimka ah goobta lagu magacaabo Mynttorget ee magaalada Stockholm.
Laakin saaxiibkiis Momika, Salwan Najem, ayaa Expressen u sheegay in codsiyada la la laabtay sababtoo ah waxaa dhacay “khalad dhanka waqtiga ah” iyo in codsiyo cusub ay soo dirayaan. Sweden ma sharrixin sababta.
Maanta oo Khamiis ah waxaa uu qorsheeynayey in uu gubo dhowr nuqul oo Qur’aanka Kariimka ah weliba bannaanka safaaradda Iran, toddobaadka soo socdana wuxuu dalbaday laba isu soo bax oo kale oo kitaab gubis ah. Midkood waa afaafka masjidka Fittja.
Horraantii xagaagii, Qur’aan gubista Salwaan Momika ayaa ka caraysiisay dunida Muslimka. Safaarada Sweden ee dalka Ciraaq ayaa xoog lagu galay, waxaana wadamada Muslimka ihi ay ku hanjabeen inay qaadici doonaan shirkadaha Sweden.
Dowladda Sweden ayaana markii ugu horreeysey xilligaasi si rasmi ahayd u cambaaraysay kitaab gubista iyadoo ku doodaysa inaysan xakamayn karin maadaama ay madaxbannaan yihiin booliiska iyo maxkamaduhu, balse haatan waxaa soconaya qorshe ay ku doonayaan inay sharci kusoo saaraan.
Hadalsame Media