Sh Aadan Madoobe oo ku dhaqaaqay arrin muran dhalisay oo uu horay u sameeyey MW Xasan Sh

0

(Muqdisho) 03 Agoosto 2023 – Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisey Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasi oo wax wayn ka beddeli doona xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha Dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka, sida ku qoran bayaan kasoo baxay Xukuumadda.
Yeelkeede, waxaa sidoo kale uu Goluhu ansixiyey Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka oo ay soo gudbisey Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood.

Ujeeddada loo magacaabay Golahan ayaa ah, si loo dardargeliyo howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay’adda, loona dhammaystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh.

Yeelkeede, waxaa xubnaha la ansixiyey ee Guddiga maamul ee Tirakoobka Qaranka ka mid ah gabar uu dhalay Guddoonka Baarlamanka ee Sheekh Aadan Madoobe oo lagu magacaabo Xabiibo Sheekh, sida aad ka aragtaan qoraalka hoose oo ah soo jeedintii la sameeyey ee maanta la ansixiyey.

Arrintan ayaa raacaysa tillaabadii uu horay u qaaday MW Xasan Sheekh oo gabadhiisa Jihaan ku magacaabay La-taliye sare, taasoo ay dad badani siyaasad ahaan saluugeen laguna tilmaamay nin-tooxsi aan si aad ah looga fikirin, islamarkaana keentay inay madax badani la bareeraan inay nin-tooxsi iyaguna falaan, xilli ay DF sheegayso inay la dagaallamayso musuqa iyo nin-jeclaysiga.

Si kastaba, kulanka ayaa waxaa Golaha laga siiyey warbixinno la xiriira Amniga dalka, Canshuuraha, Ciyaaraha iyo Arrimaha Xajka, kuwaasi oo laga dhegeystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta, sida ku xusan bayaanka Xukuumadda.

Hadalsame Media