(Muqdisho) 03 Agoosto 2023 – Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ayaa markii ugu horreeysey ka hadashay fadeexadda ka taagan “xulitaanka” gabar aan orodyahan ahayn oo la geeyey tartan caalami ah.
Guddoomiye Khadiijo Daahir ayaa ku doodday in “gabadha ay safarkeeda qabanqaabadeeda lahayaayeen Ururka Jaamacadaha, waxaana ay sheegtay inuu sagootisey wasaaradda ciyaaraha iyo xubin ka socotey Ururka Jaamacadaha, iyaduna wax shaqo ah kuma lahayn”, sida ay tiri.
“Wasiirki isaga ayaa horay u sheegay in Guddiga Olombikada iyo Xiriirka Ciyaaraha Fudud aysan wax shaqo ah ku lahayn safarka gabadha.” Ayay tiri Khadiijo oo 5 TV la hadashay.
Waxay intaa raacisay in ay daliishan karto inuusan jirin warqad ay ku saxiixan tahay oo la heli karo iyo inaysan jirin xubin ka socota Xiriirka ama Guddiga Olombikada oo goobjoog ka ahaa sagootinta gabadha.
Yeelkeede, waloow ay Khadiijo is difaacdey misna waxaa jira 2 qodob oo muhim ah:
1 – Gabadha iyadaa habaryar u ah.
2 – Wasaaraddu ma faragelin karto howlaha xiriirka iyo tan Olombikada intaba. In xitaa la sagootiyey kama dhigna inay Wasaaraddu soo xushay haddii ay dhacdayna waxaa howshoodii gabay xiriirka.
Tan kale, haddii aan xiriirkii, jaamacadaha, Olombikada iyo Wasaaraddu dirin, yaa diray marka?
Hadalsame Media