Maraykanka oo ka yaabban dal Ruushka deris la ah oo lagu wareersan yahay diyaarado iyo gaadiid raran oo uu Ruushka u diro

0

(Washington) 03 Agoosto 2023 – Maraykanka ayaa wuxuu bilaabayaa inuu ogaado waxa lagu rarayo diyaaradaha ka duulaya waddanka Qowqaaska ku yaalla ee Georgia ee kusii jeeda Ruushka, sida uu sheegay Jim O’Brien, isuduwaha siyaasadda cunaqabataynta ee Waaxda Arrimaha Dibadda dalkaasi.

O’Brien, oo ah qofka hadda loo magacaabay inuu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Arr. Dibadda ee Yurub iyo Eurasia, ayaa booqday jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka bishii Juun.

Isagoo ka hor hadlayey Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senet-ka Maraykanka usbuucii hore, O’Brien wuxuu sheegay in duullimaadyada dhowaan dib loo bilaabay loo isticmaali karo in loogu gooyo xannibaadaha ganacsiga reer Galbeedka.

Wuxuuna ku baaqay in si adag loola socdo xuduudaha hawada iyo waddooyinka Georgia ku xiraya Ruushka, wuxuu kaloo ku andacooday in mas’uuliyiinta waddanka Georgia ay u baahan doonaan kaalmada Maraykanka si taas loo sameeyo.

“Waxaan doonaynaa inaan hubinno waxa saaran diyaaradahaas kusoo laabanaya Ruushka,” ayuu yiri O’Brien.

Bishii Maajo, Ruushka ayaa qaaday xayiraadii 2019-kii ee duullimaadyada tooska ah ee Georgia, iyadoo isu socodka hawada ee Moscow iyo Tbilisi uu dib u bilaabmay isla bishaas.

Ruushka ayaa labada gobol ee Abkhazia & South Osethia ka goostay Georgia 2008-dii, kuwaasoo uu weli xoog uga haysto.

Georgia ayaa ilaa xilligaa xiriir aad u wanaagsan la lahayd reer Galbeedka.

Hadalsame Media