(Vostok) 03 Agoosto 2023 – Sahamiyeyaasha cirifyada adduunka ee Ruushka ayaa si lagu guulaystey usoo gooyey qare ay ku beereen saldhigga Vostok ee Antarctica, oo ah meesha ugu qabow adduunka, sida lagu sheegay bayaan uu daabacay Machadka Cilmi-baarista Arctic iyo Antarctic (AARI).
“Natiijooyinka tijaabada ayaa noqday kuwo cajiib ah – waxaan ku guulaysannay inaan ku beerno qare ka baxaya meesha ugu koonfureeysa weliba xaaladaha ugu daran ee Antarctica,” ayuu yiri hogaamiyaha AARI Andrey Teplyakov, oo hoggaaminayay mashruuca saldhigga Vostok.
“Dhadhanka iyo udgoonka kama liito tan qaraha aan Ruushka ku beerno! Cabirka iyo dhexroorkiisuna wuxuu yahay ilaa 13 cm, miisaankiisuna waa ilaa 1 kg,” ayuu yiri.
Tijaabadu waxay ahayd mashruuc ay iska kaashadeen AARI iyo Machadka Cilmi-baarista beeraha ee Agrophysical iyo Machadka Dhibaatooyinka Dawooyinka ee Akademiyaha Sayniska ee Ruushka.
Qoraalkeeda, AARI waxay ku sharraxday in xaaladaha wanaagsan ee dhirtu ku baxdo, sida heerkulka iyo qoyaanka hawada, ay si macmal ah u abuureen saynisyahannadu iyagoo gacan ka helaya dhismaha phytotechnical kaas oo si gaar ah uu u diyaariyey Machadka Agrophysical ee saldhigga Vostok.
Hadalsame Media