(Muqdisho) 02 Agoosto 2023 – Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha DF, Maxamed Barre, ayaa sheegay inaysan iyagu Nasra Abuukar u dirin Shiinaha, waloow caadiyan aan DF loogaba fadhin inay iyadu xusho oo agaasinto.
Wasiirka oo ka hadlay fashilkii shalay ka dhacay Shiinaha ayaa sida hadalkiisa ka muuqata aan wax badan kala socon sida ay howlaha u kala leeyihiin xiriirrada maamula noocyada isboorti ee jira iyo Wasaaradda, isagoo dhaqan xilligii dowlad la’aanta ah uun soo baxay ku sheegay in xulitaanka ay maamulaan xiriirradu.
Waxaa kale oo uu sheegay inay kalsooni siinayeen ”maadaama ay shaqaynayeen xilligii dowlad la’aanta”, sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay inay tartankan jaamacaduhu ku tartamayeene aanu ahayn heer qaran, waloow ay jaamacaduhu dalal kala metelayeen oo ay taasi heer qaran ka dhigayso.
Wasiirka oo u hambalyeeyey guusha Iidow ayaa kelmad kale oo khalad ah sheegay kaddib markii uu yiri in Wasaaraddu aanay ”aqbali doonin” inay koox ama shakhsi iska soo xulaan xiriirradu, mase sharrixin waxa ay samayn lahaayeen maadaama uu misna qiray inay tahay inay xiriirrada doorkooda u daayaan oo kaliya ay Wasaaraddu ku egtahay kor-joogtayn.
Waxaa ugu darnayd markii uu carrabka ku adkeeyey inay xitaa ka fiirsan doonaan xitaa jiritaanka xiriir ahaan xiriirkii lagu helo inuu maray waddo khaldan, sida uu u dhigay.
Si kastaba, xiriirradu iyagaa u madax bannaan howlaha xulitaanka, agaasinka iyo maamulka ciyaaraha, halka ay DF iyo maamulladu ay ku egyihiin dhanka sugitaanka ammaanka, fududaynta iyo saadka.
Halkan hoose ka daawo….
Hadalsame Media