Wasiirka Ciyaaraha oo soo saaray go’aan xaaladda uga sii daraya & Khalad keeni kara in Somalia….

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2023 – Warqad kasoo baxday Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Maxamed Barre Maxamuud, ayaa waxaa ku xarriiqan laba amar oo ay Wasaaraddu siinayso Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Waxa ay daba socdaan fadeexaddii dhacday ee gabadha aan orodada ahayn loogu diray dalka Shiinaha, iyadoo ujeedka lagu sheegay sheeko is xambaar ah oo ay isla maleegeen dhowr qofood.

Qodobka 1-aad waxa ay Wasaaraddu GOS faraysaa inay xilka ka qaadaan weliba si ”deg deg ah”, halka qodobka 2-aad uu sidoo kale ku farayo inay shir deg deg ah iskugu yimaadaan.

Tillaabadan uu Wasiirku qaaday ayaa waxay markale muujinaysaa in howlihii dalka loo xilsaaray dad aan xitaa aqoonin shaqadooda.

Waayo? Marka hore Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliyeed wuxuu marka hore hoos tagaa oo la xisaabtami kara Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo dabcan la xisaabtami kara xilkana ka xayuubin kara laakiin waa si madaxbannaan, kaddibna wuxuu ka aman qaataa oo uu hoos tagaa Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Adduunka ee loo yaqaan IAAF.

MALA DACWAYN KARAA OO MALA XIRI KARAA? Haa, haddii cadaymo ku filan la helo maxkamad maxalli ahaan waa la saari karaa laakiin taasi ma aha howl si gaar ah ugu taalla Wasaaradda Ciyaaraha, waloow ay Wasaaraddu dacwayn karto haddii ay cadaymo ku filan hayso. Waxaa sidoo kale dacwayn kara qof kasta oo ay wax kala dhexeeyaan.

Yeelkeede, Wasaaradda Ciyaaruhu marna ma amri karto mana dhex boodi karto howlaha Xiriirrada, mana amri karto xilliyada ay shirayaan iyo ajendaha ay ka shirayaan, haddii ay sidaa yeeshana waxaa imanaysa cawaaqib kasii halisan oo waxaaba Somalia laga joojinayaa tartamada meelaha ay faragelisey.

Tan kale, gabadhu intaanay Shiinaha u safrin warbaahinta ayay la hadashay oo sheegtay inay Soomaaliya u tartamayso, madaxda Wasaaradda Isboortiga ayay isla sawirtay, iyadoo la arkayo ayay diyaarad raacday, wasiirka iyo ragga warqaddaan soo qoray ma markii ay ordi weydey ayay soo baraarugeen? Ayaa ah su’aasha la is waydiinayo.

No description available.

Hadalsame Media