Waa qofma Nasra Abuukar mase lahayd taariikh isboorti & Tababar (Maxaan ogaanney?)

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2023 – Nasra Abuukar waa 20 jir, sannadkii 2003-dii ku dhalatay magaalada Muqdisho, halkaasna ku soo qaadatay waxbarashada hoose dhexe. Hadda waxay dhigataa Jaamacadda Jobkey oo ah halka lagasoo xulay si ay orodkan caalamiga ah ugu matasho jaamacadaha Soomaaliya.

Nasra ma laha taariikh orodyahannimo oo ka horreysa midda hadda, balse guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, Khadiija Aadan Daahir oo aan wax ka waydiinay waxay noo sheegtay in ay qaadatay layliyo adag oo ay isugu diyaarinayso ka qayb galka orodka boqolka mitir.

Ururka Jaamacadaha Aduunka ayaa hal arday ama ka badan ka xusha jaamacadaha waddamada waxaana la marsiiyaa qiimeyn, taas oo ka dhigan in aysan Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya si toos ah u dirsan iyagu soona xulan ardayga lagasoo xulayo jaamacadaha sida ay Khadiijo noo xaqiijisay, “waxaa lagasoo xulay jaamacadda Jobkey laakiin magaca Jaamacadaha Soomaaliaya ayey ku ordeysaa.” Ayey tiri Khadiija Daahir oo ka hadleysay sida lagu soo xulay Nasra.

Inkasta oo aysan Nasro lahayn taariikh orodyahannimo oo hore hadana waxay khadiijo sheegtay in ay orodka taqaan soona qaadatay layli orod oo ay kaga qayb qaadato tartanka , “qof aan orodka aqoon maba ordi karo” ayey tiri khadiijo mar ay ka hadlaysay in ay Nasro ordi karto.

Nasra waa arday jaamacadeed, welina xirfad ahaan ma aysan noqon orodyahan balse waxay muddo laba sana ah isu diyaarinaysay ka qayb galka tartankan sida aan kasoo xigannay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya Marwo Khadiija Aadan Daahir.

BBC

Hadalsame Media