”Uma noolaan karno sidii adoomo” – Niger oo gebi ahaanba hakisay Uranium-tii & Dahabkii ay u dhoofin jirtey Faransiiska

0

(Niamey) 02 Agoosto 2023 – Mas’uuliyiinta millateriga Niger, oo xukunka xoog ugala wareegey Madaxwayne Mohamed Bazoum usbuucii hore, ayaa mamnuucay in uranium-ka iyo dahabka loo dhoofiyo Faransiiska weliba “si deg deg ah”, sida ay sheegayaan warbixino badan.

Jeneraal Abdourahamane Tchiani, oo ah hoggaamiyaha golaha cusub ee ku meel gaarka ah, ayaa ku dhawaaqay go’aankan, sida lagu sheegay mareegta wararka ee Al Mayadeen.

Kumannaan ka mid ah taageerayaasha ciidamadan ayaa soo dhoweeyey tallaabadan intii lagu guda jirey mudaaharaadyo looga soo horjeedo Faransiiska oo ka dhacay caasimadda Niamey, waxayna gubeen calanka Faransiiska, sida ay ku warrantay mareegta maxalliga ah ee Wazobia.

“Waxaan leennahay Yuraaniyaam, dheeman, dahab, iyo saliid, waxaana u nool nahay sidii addoomo oo kale? Uma baahnin Faransiiska si aan nabad helno,” ayuu warqaadkani kasoo koobiyey qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha.

Niger waa dalka toddobaad ee ugu wax soo saarka badan uranium-ka adduunka, waxayna ka yihiin 5% wax soo saarka caalamka, sida uu qabo Ururka Nukliyeerka Adduunka. Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in dalkaasi uu ka yahay 15% ilaa 17% Uranium-ka tamarta laga dhaliyo ee Faransiiska.

Euratom – Ururka Tamarta Atoomikada ee Yurub – ayaa u sheegay Reuters Talaadadii in dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika uu yahay dalka labaad ee uranium-ka dabiiciga ah ee ugu badan siiyey Midowga Yurub sannadkii hore.

Sida laga soo xigtey wakaaladda, ma jirto khatar deg deg ah oo ku wajahan wax soo saarka tamarta nukliyeerka haddii Niger ay joojiso bixinta saadkan, sababtoo ah EU waxay haatan haystaan kayd ku filan oo Yuraaniyam ah oo ay ku shidaan tamarta nukliyeerkooda muddo saddex sano ah.

Hadalsame Media