Jabuuti oo ciidankeeda heegan gelisey & Dal ay ka cabsanayso inuu kusoo duulo

0

(Jabuuti) 02 Agoosto 2023 – Dowladda Jabuuti ayaa 27kii July ku dhawaaqday heegan deg deg ah oo sare lana galiyey ciidamada Xoogga dalka ama Milateriga ee Jabuuti, sabab la xariirta dhaqdhaqaaqyo milateri iyo cabsi dagaal, sida ay cadeynayso warqadda uu soo saaray Taliyaha ciidamada Milateriga dalkaas Jen, Zakariye Hassan Aadan.

Saaka, ayaa amar deg deg ah loogu yeeray dhammaan ciidamada fasaxa kumaqan ee Milateriga Jabuuti, iyadoo aan faahfaahin badan la bixinin.

Ilo wareedyo kusugan gudaha Jabuuti ayaa xaqiijinaya in ay Jabuuti cabsi ka qabta dagaal ka dhaca xadka ay wadagaan dalkeeda iyo Eritrea (Buuraleyda Dumeera), oo mudo dheer isku haysi dhuleed kajiro.

Warar laga helay, ilo diblumaasiyadeed oo kusugan Geeska Afrika ayaa xaqiijinaya in bilihii June iyo July-ba ay socdeen wax u muuqda dhaqdhaqaaq milateri, laakiin aan jihadiisa la cabiri karin.

W; D: Faarax Cabdulqaadir

Hadalsame Media