”Intani nagu filan” – Markii ugu horreeysey oo ay bannaanka usoo baxday in Maraykanka & Australia ay isku khilaafsan yihiin kiiska Assange

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2023 – Ra’iisal Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sheegay inuu sii wadi doono inuu ku cadaadiyo Maraykanka inuu joojiyo dacwadda uu ku hayo aasaasaha WikiLeaks ee Julian Assange.

Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ee Antony Blinken ayaa diiday codsiyo hore uga yimid Canberra.

“Tani waxay socotay muddo aad u dheer. Intani nagu filan,” ayuu Albanese u sheegay suxufiyiinta. “Aad ayaan ugu adag nahay aragtideenna ku aaddan dowladda Mareykanka, waana sii wadi doonnaa inaan sidaas samayno.” ayuu raaciyey.

Albanese ayaa horay u diray bayaan kan la mid ah. Wuxuu u sheegay idaacada ABC ee Australia bishii Maajo in kiiska Assange uu u baahan yahay “in la soo gebogebeeyo,” iyo in dowladdiisu ay “ka shaqaynayso waddooyin diblomaasiyadeed” si loo xalliyo arrintan ka dhexeeysa Assange oo Australian ah iyo Washington.

Ma uusanse carrabaabin inuu doonayo in Maraykanku uu gabi ahaanba joojiyo dacwada ama uu gorgortan cafis ah la galo madaxii hore ee WikiLeaks.

Blinken ayaase wuxuu biyo qabow ku sayray arrintan dhammaadkii usbuuca. Isagoo ka garab hadlaya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Australia Penny Wong oo ku sugan Brisbane Sabtigii, Blinken wuxuu sheegay in ficillada lagu eedeeyey Assange “ay halis wayn u gaysteen amniga qarankooda, faa’iidadana uu u ahaa cadowgooda, iyo inuu halis wayn geliyey ilo wareedyo jira.”

Hadalsame Media