Guddiga Olombikada oo soo saaray go’aan uu dadka ku khaldayo & Saxaafadda oo durba ku siran

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2023 – Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa shaqo joojin KMG ah ku sameeyey Guddoomiyha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir, iyagoo tixraacaya soo jeedin ka timid Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya.

Tani waxay daba socotaa fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orodada Jaamacadda ah oo ka dhacay Shiinaha, kaasoo ay ka qaybgashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah islamarkaana aan u diyaarsanayn inay orod ka qaybgasho.

Khadiijo Aadan Daahir oo horraan BBC la hadashay ayaa qirtay in Nasro Abuukar aysan lahayn taariikh orodyahannimo balse ay qaadatay layli usuurta gelinaya in ay ka qaybgasho orodka 100-ka mitir.

Waloow ay ordaysey 100 mitir ee fagaxda waxaa misna la arkayey Nasro oo aan u ordayn sidii qof yaqaan orodka iyadoo gashay kaalinta ugu dambaysa waxaana ay maadsi ka noqotay dunida ciyaaraha.

Tillaabooyinkan ayaa lagu sheegay weji badbaadsi maadaama uu musuqani muddo dheer soo socdey oo ay ka wada war qabeen Guddiga Olombikada iyo Wasaaradduba.

Welise lama fahmin waxa ay ula jeedaan shaqo joojin KMG ah.Waxaase ka muuqata in xiisadda uun lagu dejinayo, maadaama aan xilkii laga qaadin, sida ay dad badani durba ka dhigeen.Warqadda gudiga Olombikada SoomaaliyaWarqadda gudiga Olombikada SoomaaliyaWarqadda gudiga Olombikada Soomaaliya

Hadalsame Media