(Hadalsame) 01 Agoosto 2023 – Waxaa aad loo dhaliilayaa Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee dalka Somalia oo ay dad badani baraha bulshada uga jeexjeexayaan iyagoo ku eedaynaya inay ciyaaro caalami ah u direen qof aan ehel u ahayn.
Waxaa xitaa arrintan oo lagu tilmaamay ”yaxyax qaran” hadal haysa dunidii iyadoo meelaha qaar lagu sheegay in gabadha Somalia u ordaysey ee Nasra Abuukar ay dhigtay rikoodh cusub oo ka dhigaya qofkii abid ugu orod yaraa ee taga tartan caalami ah.
Yeelkeede, waloow aad loo buunbuuniyey fashilka ku dhacay gabadha, misna waxaa laga aamusay guusha Xasan Cali Iidow oo isaga sibiq looga qaaday orodka 15,00 mitir, isagoo hal ilbiriqsi uun ka dambeeyey wiilka 1-aad galay ee Silva Pereira oo u dhashay dalka Portugal.
Pereira ayaa koowaad ku galay 3.44, halka Iidow uu kaalinta 4-aad ku galay 3.45, balse nasiib wanaaag maadaama uu ku jiro afarta sare wuxuu usoo gudbey wareegga 2-aad ee orodka dheer ee 15,00 ee mitir.
MAXAA LOOGA AAMUSAU? Dadku laba sababood ayay ku micneeyeen:
1 – Dadka oo inta badan xumaanta iyo fashilka inay qaadaa dhigaan ka jecel guusha, waana astaanta lagu yaqaanno bulsho fashilantay.
2 – Gar waa loo Islaame, sida ay gabadhu orodkan u wajahdey iyo bandhiggeeda oo runii ahaa wax lala yaabo, xusuuso gabdho kale oo Soomaali ihi meesha waa tegi jirey, balse ugu yaraan woxoogaa waa dhaami jireen sidan. Taasi marka waxay keentay dhaliil badan.
W; D: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media