Iiraan oo markii ugu horreeysey si rasmi ah u taageertay hindise uu Sucuudigu wado

0

(Tehraan) 01 Agoosto 2023 – Iran ayaa waxay taageeri doontaa isku day kasta oo lagu doonayo in xal nabadeed loogu helo khilaafka Ukraine, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi, Nasser Kanani Chafi.

Waxa uu intaa ku daray in taas ka mid tahay wadahadallada nabadeed ee dhowaan ka dhici doona Sucuudiga, kuwaasoo aanu ka qaybgelayn Ruushku.

Moscow ayaa dhanka kale sheegtay inay si dhow ula socon doonto wada xaajoodyada lagu wado inay ka dhacaan Jeddah horraanta bisha soo socota. “Waa la arki doonaa yoolalka ay dejiyaan iyo waxa qabanqaabiyayaashu qorshaynayaan inay ka hadlaan,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, isagoo sharraxaya in isku dayo kasta oo gacan ka gaysanaya xal nabadeed “ay u qalmaan inay siiyaan qiimayn wanaagsan.”

Sida uu qoray wargayska Wall Street, Sucuudigu waxa uu qorshaynayaa in uu martigeliyo wadahadalladan nabadeed ee caalamiga ah ee Ukraine 5-ta ilaa 6-da Agoosto, waxana la sheegay inuu ku martiqaaday ilaa 30 waddan oo ka qaybqaadan doona shirkaasi.

Wadaxaajoodka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka qaybgeli doono Maraykanka, kaasoo uu matali doono La-taliyaha Amniga qaranka Marykanka Jake Sullivan, Midowga Yurub, iyo wadamo ka socda Aasiya, Afrika, iyo Latin America, sida ay sheegtay warbaahintU. Waxaa xusid mudan, inaan Ruushka lagu casuumin wadahadalladan.

WSJ waxa ay dhacdadan ku tilmaantay mid daba socota kulan kan la mid ah oo ka dhacay Copenhagen dabayaaqadii bishii Juun, halkaas oo Kiev iyo taageerayaasheeda reer Galbeedku ay isku dayeen inay ku qanciyaan wadammada soo koraya ee ilaa hadda doortay inay dhexdhexaad noqdaan inay moowqifkooda bedelaan oo taageeraan Ukraine.

Hadalsame Media