(Niamey) 01 Agoosto 2023 – Qiimaha curiyaha Uranium-ka ayaa labanlaabmay saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaana laga yaabaa inuu sare u kaco toddobaadyada soo socda sabab la xiriirta afgembiga Niger, sida ay ka digtey shirkadda cilmi baarista suuqa iyo talo bixinta ee UxC oo ay soo xigatey Reuters.
Dalkan Galbeedka Afrika waa dalka toddobaad ee adduunka ugu wax soo saarka badan birahan leh shucaaca ama kaah-falka.
Digniintan ayaa kusoo beegantay iyadoo shirkadda shidaalka Nukliyeerka ee dalka Faransiiska ee Orano oo ka shaqaysa macdanta Uranium-ka ee dalka Niger ay sheegtay in ay sii wadato shaqadeeda inkasta oo ay saamaynayaan afgembiga iyo qorshaha uu Faransiisku ku doonayo in uu ku daadgureeyo muwaadiniintiisa. Orano waxa ay tilmaantay in 99% shaqaalaheeda dalkaasi ay yihiin muwaadiniin reer Niger ah.
“Dhacdadan oo kale waxay qaadan kartaa waqti dheeraad ah oo waxay saamaynaysaa niyadda suuqa. Waxaana weli u arki karnaa saamayno waawayn maalmaha iyo toddobaadyada soo socda,” ayuu soo jeediyey Madaxwaynaha UxC ee Jonathan Hinze oo u warramay Reuters.
“Dhammaan calaamaduhu waxay sheegayaan in tani ay horseed u noqon doonto kor u kaca ee qiimaha uranium-ka marka la eego guud ahaan sahayda / baahida uranium-ka oo ciriiri ah xilligan.” ayuu raaciyey.
Qiimaha uranium-ka – oo si wayn loogu isticmaalo tamarta nukliyeerka iyo daawaynta kansarka – ayaa kor u kacay $56.25 rodolkii Isniintii shalay, halkii uu awal ka ahaa $56.15 usbuuc kahor.
Sida laga soo xigtey Hinze, qiimaha wax badan iskama beddelin dabcan sababtoo ah Orano waxay ku iibisaa uranium-ka qandaraasyo waqti dheer ah bilaha xagaaguna waa gaabis suuqani.
Yeelkeede, qiimaha birtan ayaa durba qaali kusii socota, iyadoo hadda kahor gaartey rikoor sare oo ah $140 Doollar rodolkii sanadkii 2007.
Hadalsame Media