Maraykanka oo ”qirtay” in Shiinuhu uu fayrus wareer badan ku tallaalay kombiyuutarrada Ciidanka dalkaasi

0

(Washington, DC) 31 Luulyo 2023 – Dowladda Maraykanku waxa ay raadinaysaa fayrus kombuyuutar oo halis ah iyada oo aaminsan in burcadda Shiineeysku ay awood u yeesheen inay ku dhex tallaaleen shabakadaha koontaroola korontada, nidaamyada isgaarsiinta iyo biyaha ee saldhigyada ciidamada Maraykanka ee gudaha iyo dibadda, sida ay saraakiil Maraykan ahi u sheegeen New York Times (NYT).

Dembiilayaasha ayaa la sheegay “inay u shaqaynayeen Ciidanka Xoraynta Dadka,” oo ah Ciidanka Shiinaha sida uu sheegay maqaalka lagu daabacay wargayska. Qoraalkuse ma sharraxin sida Washington u awooday inay fayruskan la xiriirso Shiinaha ama ciidankeeda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maraykanka oo aan la magacaabin, sirdoonka iyo saraakiisha amniga qaranka oo la hadlay NYT ayaa soo jeediyey in fayruskan laga yaabo in Beijing ay adeegsato si ay u carqaladeyso howlgallada millateri ee Maraykanka haddii ay dhacdo inay labada dal dagaallamaan, sida midka ka dhici kara agagaarka Taiwan.

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa qayb ka mid ah dhulkiisa, halka Maraykanka oo taageera Dowladda Taipei, uu ballanqaaday inuu difaaci doono jasiiraddan oo iskeed isu maamusha haddii Beijing ay isku daydo inay awood u adeegsato si ay u qabsato.

Wargaysku waxa kale oo uu soo xigtey hadal ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ee Washington, taasoo si toos ah u diiday warbixinta oo ay ku sheegtay “inay Shiinaha ku ceebaynayso eedaymo aan sal lahayn.

Hadalsame Media