Denmark oo samaynaysa sharci mamnuucaya gubitaanka Qur’aanka (Hal cillad oo weli ku jirta hindisaha)

0

(Copenhagen) 31 Luulyo 2023 – Danmark ayaa raadinaysa hab sharci ah oo lagu joojiyo gubista Qur’aanka kariimka ah, taasoo keentay mudaaharaadyo iyo caro guud ahaan ka imaanaysa dunida Muslimka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi, Lars Lokke Rasmussen, oo Axaddii hadlay.

“Waa inaan helnaa agab sharci ah oo noo ogolaanaya inaan ka hortagno in Qur’aanka lagu gubo safaaradaha ajnabiga ah ee Denmark hortooda,” ayuu Rasmussem u sheegay warbaahinta dadwaynaha DR, isagoo intaas ku daray in arrimahan Kitaab gubista oo kale ay “u adeegayaan oo qura abuurista kala qaybsanaanta bulshada”.

”Waxa aannu go’aansannay in dowladda ahaan, aanu eegi doonno, aannu joojin karno ku jeesjeeska waddamada kale, taasoo si toos ah uga soo horjeedda danaha Deenishka iyo badbaadada dadka Deenishka ah.” ayuu Wasiirku ku nuuxnuuxsaday.

Rasmussen ayaa intaas ku daray, inay weli jiri doonto “meelo loogu talagalay dhaleeceynta diineed” iyo in dowladdu aanay qorshayn, inay samayso sharci mamnuucaya caayda diimaha ama blasphemy law.

Hadalka hoggaamiyaha Denmark ayaa yimid kaddib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden, Ulf Kristersson, uu isna sheegay inuu aad uga walaacsan yahay in gubidda Qur’aanku ay u horseedi doonaan qalalaase ka dhaca dalkiisa.

Si kastaba se, in mamnuucidda lagu koobayo Safaaradaha hortooda oo qura ayaan weli ku fillaan doonin hakinta arrintan maadaama weli lala tegi karo masaajidda ama xaafadaha ay Muslimiintu u badan yihiin.

Hadalsame Media