(Abuja) 31 Luulyo 2023 – Ururka ay ku midaysan yihiin wadamada Galbeedka Afrika ayaa ka digey in ay awood u adeegsadaan hoggaamiyayaasha afgembiga ku qabsaday dalka Niger, haddii aysan dib u soo celin xukuumadii dhowaan la afgembiyay, islamarkaana ay sii dayn waayaan Madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum.
Ururka ECOWAS oo ah koox ka kooban 15 wadan ayaa soo saaray muddo kama dambayn ah oo 7 maalmood ah kaddib shir deg deg ah oo ay ku yeesheen magaalada Abuja ee dalka Nigeria maalintii Axaddii shalay.
Haddii dalabaadkaa lagu fulin waayo hal toddobaad gudaheed, kooxdu waxay “qaadi doontaa dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah soo celinta nidaamka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Niger,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
“Tillaabooyinkan oo kale waxaa ka mid noqon kara adeegsiga xoog millateri,” ayay tiri ECOWAS, iyadoointaa ku dartay in madaxda dalalka xubnaha ka ahi ay diyaar u yihiin inay u kulmaan “si deg deg ah” haddii loo baahdo. Niger lafteedu waa xubin ECOWAS ka mid ah.
Midowga Afrika ayaa isna soo saaray go’aan midkan la mid ah Jimcihii, isagoo ku hanjabay “tallaabooyin ciqaab ah” haddii taliska millateriga Niger uu diido inuu isku casilo 15 maalmood gudahood.
Dhanka kale, kumannaan dibedbaxayaal ah ayaa iskugu soo baxay afaafka Safaaradda Faransiiska ee caasimadda Niamey iyagoo ku qaylinaya taageerada afgembiga iyo dhaliisha Faransiiska oo dalkaa gumaysan jirey.
🇷🇺🤝🇳🇪❌🇫🇷 Thousands protest outside French embassy in Niger
A large protest action is taking place at the French Embassy in Niger, with thousands of people in the capital city of Niamey demonstrating in support of the military. Protesters are chanting anti-French slogans and… pic.twitter.com/uhFC82p87K
— Megatron (@Megatron_ron) July 30, 2023
Hadalsame Media