Jarmanka oo ogaadey in dadka Ukraine ay badanaa cayr ka qaataan dalkaasi (Soomaalidu maku jirtaa dalalka ugu sarreeya?)

0

(Berlin) 30 Luulyo 2023 – Dadka reer Ukraine ee deggan Jarmanka ayaa kusoo baxay dadka ugu badan ee ajnabiga ah ee ku tiirsan lacagaha daryeelka dowladda ee ay Soomaalidu cayrta ku naanaysto, sida uu qoray warqaadka Bild, iyadoo soo xiganaysa xogta Hay’adda Shaqada ee Federaalka Jarmanka (BA).

5.5 milyan oo ka mid ah dadka gargaarka helay ee Jarmanka, kala bar kaliya ayaa ah muwaadiniin Jarman ah, sida ay warbaahintani sheegtay.

Laga bilaabo Maarso 2023-kii, ku dhowaad 2.6 milyan oo qof oo cayr ka qaatah dowladda ayaa waxay ahaayeen ajaanib, sida uu qabo Barnaamijka Kormeerka Soo-galootiga ee hoos taga BA.

Ukraine-yiintu waxay tiradaa ka noqdeen saamiga ugu badan ee qaatay daryeelka marka la eego dadka aan Jarmanka ahayn, iyagoo qiyaas ahaan noqday 30% tirokoob ahaan.

Suuriyaanka ayaa ah dadka labaad ee ugu badan, iyagoo boqolleeyda ka ah 20%.

Marka loo eego xogta dowladda dhexe, ilaa 65.6% dadka reer Ukraine ee ku nool Jarmanka – ama 707,700 qof – ayaa waxay helaan gargaarkan dhaqaale ee dowladda ama cayrta.

In ka badan kala bar dhammaan dadka Suuriyaanka ah ee deggan waddanka, iyo sidoo kale 47.1% dadka reer Afgaanistaan ee halkaas ku nool, ayaa iyana waxay sidoo kale ku tiirsan yihiin nidaamka daryeelka Jarmanka ee cayrta, sida ay Bild soo werisey, iyada oo intaa ku dartay, in dadka dhaladka Jarmanka laftoodu, 5.3% ay qaataan daryeelkan.

Dadka xaqa u leh lacagaha cayrta ayaa waxay helaan celcelis ahaan €502 ($554) qofkii keli ah iyo €451 ($497) qofkiiba dadka lammaanaha ah toddobaad kasta.

Dadka carruurta leh waxay helayaan €318 ($350) oo dheeraad ah iyo €420 ($463), taasoo hadba ku xiran da’da ilmaha. Dowladdu waxay kaloo bixinaysaa kirada, kululaynta guriga iyo waxbarashada dadka xaqa u leh.

Soomaalida ayaan ka mid noqon dalalka ugu badan ee cayrta qaata, waxaana qayb ahaan ugu wacan tirada Soomaalida oo aad uga yar marka loo eego dalalkan.

Hadalsame Media