(Stockholm) 30 Luulyo 2023 – Salwan Momika oo Qur’aanka kariimka ah ku gubay bannaanka masjidka ee Medborgarplatsen, ujeeddadiisuna ahayd inuu faafiyo nacayb ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ayay godkiisa biyo ugusoo galeen.
Sida laga soo xigtey Svd, wuxuu ninkani halis ugu jiraa in sharciga lagala noqdo sababo aan weli la shaacin balse uu warqaadku ku sheegay kuwa amniga qaranka iyo been uu sheegay la xiriira. Ogolaanshaha degenaanshiyaha oo la siiyey Abriil 2021 ayaa waxa uu dhacayaa Abriil 2024-ka.
Hay’adda Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa sheegtay inay dib u eegayso sharcigiisa socdaalka kaddib markii ay heleen xog ka timid Dowladda Sweden oo ku aaddan in dib u eegis lagu sameeyo kiiska ninkan haddii uu xaq u leeyahay in lagala noqdo sharciga deganaanshaha Sweden.
“Waa tillaabo sharci ah in la qaado marka Hay’adda Socdaalka ee Iswiidhan ay hesho macluumaadka noocaas ah, waase goor hore in wax laga sheego natiijada dambe ee kiiskan.” ayuu yiri afhayeen u hadlay Hay’adda Socdaalka oo la hadlay Reuters.
Salwan oo asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq oo ah dalka xitaa gubey Safaaraddii Sweden ee Baqdaad, ayaa horay loogu haystey dembiyo ay ka mid yihiin abuurista nacayb ka dhan ah bulshada qayb ka mid ah iyo arrimo kale.
Waxaa kale oo qalqiil galay amaankiisa isagoo haatan dhuumaalaysi ku jooga Sweden.
Hadalsame Media