(Hadalsame) 30 Luulyo 2023 – Ciyaartii u dhaxeysay kooxaha Jeenyo & Horseed kana tirsaneed wareega 16-ka koobka Janaraal Daa’uud wey baaqatay.
Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha JFS ayuu go’aanka ka yimid, mana jiro war kasoo baxay dhanka Xiriirka.
Taageerayaasha & ciyaartoyda kubadda cagtaba waxey u egyahiin kuwa ka niyadjabsan waxa ka dhacay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay wasaaradda ku kacdo fal nuucaan ah, bilo ka hor waxey garoonka sidaan oo kale uga soo saareen xiddigahii 17-jirada ee isku diyaarinayay CAF U17.
Arrintan ayaa halisteeda leh haddii ay FIFA gaarto oo Somalia looga saari karo tartamada caalami, waayo dowladaha looma ogola inay farageliyaan maamulka ciyaaraha marka laga reebo fududaynta farsamo IWM.
W; D: Cabdirashiid Max’uud Nuur
Hadalsame Media