XOG: Xaalad jahawareer ah & Ismari waa ka dhex taagan Wasaaradda Maaliyadda DF Somalia

0

(Muqdisho) 29 Luulyo 2023 – Waxaa lasoo werinayaa inuu is dardar iyo is maandhaaf culusi ka dhex taagan howlwadeenka Wasaaradda Maaliyadda DF Somalia.

Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyada, Faysal Maxamed Xaashi, oo la sheegay inuu horay sabab ugu noqday in la cayriyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dr Cilmi Nuur, ayaa hadda diiddan inuu xilka la wareego Agaasime Waaxeedkaa Canshuuraha Berriga, Cabdullaahi Nuur Maxamed Shirbow.

Shirbow ayaa waxaa 25-kii bishan magacaabay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ee haatan, Biixi Iimaan Cige, balse waxaa haatan taagan xaalad qir iyo qir ah.

Warku wuxuu intaa raacinayaa in Faysal oo daacad u ah Madaxwayne Xassan Sheekh oo ay aad iskugu dhow yihiin, uu sharuud ku xiray Agaasimaha cusub, taasoo ah in uu isaga hoos yimaado kuna shaqeeyo amarradiisa, haddii kale uusan shaqada la wareegeynin.

Shuruuddan ayaan wax sharci ah ku fadhiyin maadaama aanu jirin sharci dhigaya inay is hoos tagaan laba agaasin. Balse waxaa jahawareerkan abuuray Wasiirkii hore ee la beledey oo la sheegay inuu soo saaray warqad uu ku sheegayo in labada agaasin la is hoos geeyo.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Dr Cilmi Nuur ayaa shaqada ka joojiyey Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, laakiin MW Xasan Sheekh oo ka caroodey in xubnaha daacadda u ah la taabto, ayaa xilligaa shaqada ka cayriyey Wasiirkii hore ee Maaliyadda.

Hadalsame Media