XOG: Maraykanka cadaadis culus saaray MW Xasan Sh si ay uga bedelaan moowqif uu horay u qaatay

0

(Muqdisho) 29 Luulyo 2023 – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Brian Nelson, oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Arrimaha Argagixisada iyo Sirdoonka Maaliyadda ee Maraykanka oo ah unug hoos taga Wasaaradda Maaliadda dalkaasi.

Wararka xog-ogaal ah oo hoose ayaa sheegaya in kulankan loogu ballamiyey MW Xasan si looga baajiyo shirka Ruushka & Afrika ee uu Vladimir Putin ku qabtay St. Petersburg, isagoo rajaynayey bandhig wayn oo taageero ah, balse ay Kaliya soo xaadireen 17 madaxda Afrika ah, taasoo kala bar ka yar 43-kii hoggaamiye ee ka qaybgalay shirkii ugu horreeyey ee Ruushka iyo Afrika ee 2019-kii.

Warku wuxuu intaa raacinayaa in MW Somalia uu ka mid ahaa madaxdii bilowgii doonaysey inay ka qaybgasho, balse uu cadaadis badani kasoo wajahay Maraykanka oo ergaygan usoo diray kaasoo kulankiisa lagusoo beegay maalintii 2-aad ee shirka Ruushku xirmi lahaa oo shalay oo Jimce ahayd ku beegnayd. Madaxda shirka ka maqnayd waxaa ka mid ah Bola Tinubu oo Nigeria ah iyo midka Kenya William Ruto, sidoo kale Félix Tshisekedi oo ka taliya Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo iyo Paul Kagame oo Rwanda ka arrimiya.

Madaxwaynaha ayaa intii uu kulanku socday waxa uu ku nuuxnuuxsaday waxtarka shuruucda iyo xeerarka cunaqabataynta maaliyadeed ee ka dhanka ah argagixisada iyo tillaabooyinka sirdoon ee khalkhalka geliyay ilaha dhaqaale ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay, sida uu yiri.

Waxa kale oo uu sheegay in falalkaasi ay sabab u yihiin soo dedejinta horumarka laga gaarey dagaalka iyo xoraynta degaannada ay horay Al-Shabaab uga haysteen ugana maamulayeen dalka.

Bishii Jannaayo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in la xirayo akoon kasta oo ku xiran kooxda Shabaab IWM si loo burburiyo kaabayaasha dhaqaaluhu kasoo galo kooxda.

Dowladda ayaa sheegtay inay xilligaa xirtay ilaa 250 akoon oo ay lahaayeen kooxaha xagjirka ah oo uga furnaa afar bangi, waxaana sidoo kale la xiray shabakadii iyo adeegyadii xogta ku dhowaad 70 taleefoonnada gacanta ah oo ay maleeshiyaadku u adeegsan jireen xawaaladaha, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Hamse.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Brian Nelson kala hadlay dadaallada iskaashi ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee hirgelinta cunaqabataynta maaliyadeed ee ka dhanka ah argagixisada, doorka ay ku leeyihiin wejiga labaad ee howlgalka dalka looga xoraynayo Shabaabka, iyo horumarka laga gaarey barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda ayaa horumaro la taaban karo ka samaynayey la dagaallanka kooxdan tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii tegey, iyagoo bilaabay olole ballaaran oo ay hormuud ka tahay Soomaalidu, balse waloow uu ahaa weerarkii ugu waxtarka badnaa ee lagu qaado kooxdan 15-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa iminka gaabis ku dhacay sii wadadidda howlgalkaasi, xilli ay kooxduna waddo weerarro rogaal-celin ah.

Hadalsame Media