Xog aan horay loo ogayn oo kasoo baxday diyaaraddii shilka ku gashay Muqdisho (Maxaa khaldamay?)

0

(Muqdisho) 29 Luulyo 2023 – Shilka diyaaradeed ee 11-kii bishan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay dabaylo ka dhashay dhabaha halka loo yaqaano (Runway 05).

Sidan ayaa lagu sheegay baaritaanno horudhac ah oo ay samaysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya. Dabayshani (Wind shear) waa isbeddel ku yimaada xawaaraha dabaysha oo jihada ku bedelata masaafo gaaban.

Waxay u dhici kartaa si joog ah ama jiif ah inta badanna waxay la xiriirtaa isbeddelka heerkulka ama cufnaanta, sida ay sheegtay Wasaaradda Duulimaadyada Federaalku.

Qoraal ay wasaaraddu soo saartay oo ku taariikhaysan 27-kii bishan Luulyo ayay ku sheegtay in shilkani qabsaday diyaaradda E120 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines, taasoo dhacday kaddib markii duuliyaha, oo u dhashay dalka Tanzania, uu xakamayn waayey diyaaradda kaddib markii ay u degtey dabaylo xooggan oo ay la kulantay dartood, taasoo keentay inay u baxdo oo go’do lugta bidix.

Arrintan ayaa keentay in diyaaraddu ay ka baxdo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee dhanka bidix, iyadoo ku dhacday xayndaabka garoonka, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Muuqaal laga soo duubay shilkan oo dhacay 12:23 habeenimo ee waqtiga maxalliga ah ayaa muujinayey diyaarada oo kusii dhacaysa dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan kahor inta aanay ku dhicin xayndaabka, iyadoo la arkayey taayar kasoo duulaya diyaaradda.

Waxaa saarnaa 30 qof oo rakaab ah iyo afar ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, iyadoo labo qof ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Hadalsame Media