Ruushka oo sheegay inay diyaar u yihiin dagaal ay NATO la galaan kaddib arrin uu Maraykanku sameeyey

0

(Muqdisho) 30 Luulyo 2023 – Ruushku “mar walba wuxuu diyaar u yahay xaalad kasta,” ayuu Madaxwayne Vladimir Putin u sheegay suxufiyiinta galabta, isaga oo ka faalloonaya iska horimaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo Gaashaanbuurta NATO.

Madaxwaynaha ayaa ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd isku dhacyadii ugu dambeeyey ee diyaaradaha Ruushka iyo Maraykanka ee hawada Suuriya, taasoo ay Ruushku sheegeen in lagu daandaansaday.

“Qofna taas ma rabo dagaal,” ayuu Madaxwaynuhu ku daray, isagoo tilmaamaya khadadka kahortagga isku dhaca ee weli jira ee u oggolaanaya saraakiisha Ruushka iyo Maraykanka inay si toos ah uga wada hadlaan “xaalad kasta oo qalalaase ah.”

”Xaqiiqda ah in khadadkani ay weli shaqeeynayaan waxay muujinaysaa in aysan jirin dhinac danaynaya colaad, ayuu raaciyey. “Haddiise uu qof doonayo – taasi kolleey anaga ma ahane – markaa diyaar ayaan u nahay,” ayuu Putin ku gooddiyey.

Millateriga Ruushka ayaa soo sheegay guud ahaan 23 dhacdo oo halis ah oo ay ku lug leeyihiin diyaaradaha Ruushka iyo kuwa isbahaysiga uu hoggaamiyo Maraykanka ee NATO tan iyo horraantii sanadkan 2023, sida uu sheegay Admiral Oleg Gurinov, madaxa Xarunta Dib u Heshiisiinta Ruushka ee Suuriya.

”Dhacdooyinka badankoodu waxay dhaceen bisha Luulyo.” ayuu raaciyey isagoo xusay in diyaaradaha Ruushku ay marar badan ridaan dambaaburaha digniinta si looga fursado dagaal furan.

Hadalsame Media