(Muqdisho) 29 Luulyo 2023 – Waxaa weli cakiran xaaladda ka dhalatay qaraxii lala beegsaday ciidamo ku sugnaa Kulliyadda Ciidanka. Haatan DF Somalia ayaa ku howllan baaritaanka weerarkan oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ay sheegatay Al-Shabaab, balse ay dood adagi ka timid sida uu ku galay xeradan aadka loo ilaaliyo iyo cidda u fududaysay.
Wararka qaar, oo aan la xaqiijin, ayaa xitaa sheegaya in ninka meesha lasii geeyey iyadoo lagu wado gaari aan rasaastu karin oo ay leedahay DF.
Madaxwaynaha DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalka kusoo laabtay ayaa isna qaaday tillaabo la xiriirta weerarkan is-miidaaminta ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, isagoo xalay kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee dowladda, si loo lafa-guro waxa khaldamay iyo qodobo kale.
Maxaa cusub saakay?
Wasiir Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga, Cabdifitaax Qaasim, oo maanta looga yeeray Golaha Shacabka ama Aqalka Hoose ee Baarlamanka, ayaa ka hadlay weerarkaasi isagoo faahfaahiyey in haatan ay socoto baaris xoog leh oo ay wadaan laamaha amniga DF, sida talisyada Nabad-Sugidda, Booliiska iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Dowladdu waxay leedahay hay’addo kala duwan iyaga ayayna maraysaa oo baaraya Nabad-Sugidda ayaa ka mid ah, Booliska ayaa ka mid ah, taliska Ciidanka Xoogga Dalkana waa ka mid” ayuu yiri Wasiirka Xigeenka oo bilowgii u tacsiyeeyey ehelada askartii dhimatay.
Wasiir Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in lasoo xiray illaa 14 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo askar, kuwaas oo uu ka mid yahay Taliyihii mas’uulka ka ahaa xerada la weeraray ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaad oo gaystay khasaare lixaad leh, ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 30 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ahaa ciidamada Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka, kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Marka.
Weli lagama jawaabin su’aalaha ku xeeran qaraxan oo kalsooni darro badan gelinaya shacabka iyo xitaa madaxda DF.
Hadalsame Media