Dalalka ugu fiisaha adag aagga Schengen Zone oo lasoo saaray (Ma malayn kartid dalka ugu sarreeya)

0

(Hadalsame) 29 Luulyo 2023 – Waxaa lasoo saaray liiska dalalka ugu fiise adag dalalka ku jira mandiqadda loo yaqaan Schengen Zone ee Midowga Yurub sanadkii tegey ee 2022-kii.

Tan ugu darani waa in marka la eego boqolleeyda kiisaska fiisayaasha la diidey uu kaalinta 1-aad ku jiro dal aanba laga filaynin oo jasiiradda yar ee Malta.

Malta oo diidmada fiisaha koowaad uga jirta ayaa dadka fiisayaasha u diidey in ka badan 36%, waxaana soo raaca oo 2-aad ku jirta Sweden oo diiddey 29%, halka dalka Belgium oo ah ku taallo xarunta EU uu 3-aad ku jiro isagoo arjiyada fiisaha diidey in ka badan 28%.

Kaalinta -aad waxaa xirtey Faransiiska oo diidey wax ka badan 22%, halka uu shanta ugu sarreeysa dhamaystirayo dalka Norway oo diidey wax ka badan 20%.

Guud ahaan Galbeedka ayaa waxaa ruxaysa siyaasad soo galooti diid ah, waxaana laga garan karaa inay fiise diidka ugu sarreeyaan dalal mar lagu tilmaami jirey ”albaabada furan ee qaaradda Yurub.”

May be an image of map and text that says 'SCHENGEN VISA REJECTION RATES BY COUNTRY, 2022 1.9% 9.7% 29.0% 20.3% 18.9% 9.5% 17.4% 28.4% 16.2% 11.6% 10.5% 14.4% w 9.7% 15.9% 22.2% 12.0% 15.1% 18.1% 19,8 19.8% 12.7% 12.5% schengenvisa 36.4%'

Hadalsame Media