”Waa la yaabnay fikirkooda” – Dowladda Faransiiska oo soo gashay muranka Mbappe & Talo la siiyey PSG

0

(Paris) 27 Luulyo 2023 – Duqa magaalada Paris ee Anne Hidalgo ayaa la yaabban go’aanka PSG ee ah inay aqbasho dalabka rikoorka adduunka ah ee ku kacaya £259 milyan oo ginni oo ay Kylian Mbappe ku doonayso Al-Hilal.

Kooxda reer Saudi Arabia ayaa rajaynaysa inay ka faa’idaysato khilaafka u dhexeeya PSG iyo xiddiggooda kaddib markii Mbappe uu sheegay inuu doonayo inuu kaga tago caasimada France si xor ah xagaaga soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxwaynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ku adkaystay in 24 jirkaan aan loo ogolaan doonin inuu bilaash ku baxo.

Soo jeedinta Al-Hilaal ayaa timid waqti ku habboon, waxaanay soo jiidatay inta badan daawatada kubadda cagta iyo xitaa dadka aan sidaa ugu dhuun daloolin ciyaaraha oo sugaya bal waxa xiga.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha noocaas ah waa Hidalgo, oo ka dhawaajisay sida ay uga xun tahay rajada iminka laga qabo in kooxda ugu xooggan Faransiisku ay lumiso hantida ugu qaalisan kubbadda cagta dalkaasi oo uu qaadan karo waddan ka mid ah Khaliijka.

Hidalgo, oo xilka qabatay 2014, ayaa kasoo muuqatay TV-ga BFM, waxayna su’aal gelisey sida ay u fikirayso PSG.

“Waxay haystaan ciyaaryahanka ugu fiican aduunka. Waxaan qirayaa in aanan waxba ka fahmin ciyaarta. Waase inaad laacibkan kusii haysaan Paris.’ ayay tiri.

Mbappe is the subject of the biggest offer in football history from the Saudi Arabian club

Paris mayor Anne Hidalgo insists Kylian Mbappe 'must be kept' in the French capital and asks 'what are PSG doing?' after they accepted a £259m offer for him from Saudi side Al-Hilal|

Hadalsame Media