(Muqdisho) 27 Luulyo 2023 – Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa iftiimin doona dadaalka Washington ee fududaynta dhoofinta badarka iyo agabka bacriminta Ruushka inta lagu guda jiro booqasho kuu ku kala bixinayo Kenya iyo Soomaaliya wuxuuna carrabka ku adkeeyey in ka bixitaanka Moscow ee heshiiska badarka Badda Madow ay dhaawici doonto dowladaha Afrika,sida uu sheegay afhayeen u hadlay.
Booqashada usbuucan ee Brian Nelson, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Argagixisada iyo Sirdoonka Maaliyadda, ayaa kusoo beegantay iyadoo uu Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu isku diyaarinayo inuu hoggaamiyeyaasha Afrika ku martigeliyo St. St. Petersburg Khamiista maanta ah iyo berri oo Jimc ah isagoo weliba u ballanqaaday badar bilaash ah oo bidaal ka ah midkii Ukraine.
“Wuxuu iftiimin doonaa dhaafitaannada cunaqabataynta Maraykanka ee had iyo jeer oggolaaday socodka cuntada iyo wax is dhaafsiga beeraha,” sida uu yiri afhayeenka Waaxda Maaliyadda oo qayb ka ah safarka Nelson, sida ay markii ugu horreeyeay soo warisey Reuters.
Waa safarkii labaad ee Nelson uu ku tago Afrika isagoo xoghaye xigeen ah iyo kii ugu horreeyey ee uu ku tago Bariga Afrika waana mid daba socda booqashooyin dhowr ah oo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Biden ay ku tageen qaaradda sanadkan kaddib markii uu Madaxwayne Joe Biden uu ballanqaaday bishii Diseembar in Maraykanka uu “si buuxda qayb uga yahay” mustaqbalka Afrika.
Inta uu ku sugan yahay Nairobi iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho min Isniinta ilaa Sabtiga, Nelson waxa uu kala hadli doonaa xoojinta kahortagga lacagaha la dhaqo iyo kahortagga maalgelinta qaab-dhismeedka argagixisannimada iyadoo Waaxdani ay doonayso xoojinta awoodda howleed ee qaaradda oo dhan.
Kor u qaadida iskaashiga wax looga qabanayo amniga gobolka, oo ay ku jiraan la dagaallanka Daacish iyo kooxaha mintidka ah sida al-Shabaab, ayaa sidoo kale diiradda la saari doonaa, ayuu yiri afhayeenku.
Hadalsame Media