(Hargaysa) 26 Luulyo 2023 – Laacibkii dhowaantan ku geeriyoodey magaalada Hargaysa ee Khaalid Beegsi ayaa waxaa kasoo baxday xog cusub oo ku aaddan sababta keentay geeridiisii faj’ada ahayd ee ay ka nexeen ehelkiisa iyo bahda isboortigu.
Beegsi oo u safan jirey kooxda Booliiska ee Goodir ayaa 23-kii bishan ku dhex dhacay garoonka Cali Gadhle ee magaalada Hargaysa oo uu ka socdey Tartanka Jaamacadaha waxaana haatan la ogaadey inuu sababsaday wadnaha oo ahayd bugto uu la socdey.
Beegsi oo shalay lagu aasay magaalada Hargaysa ayaa sidoo kale la sheegay inuu sidoo kale ka sheeganayey beerka waxaana raggii ka hadlay ay sheegeen inay jugi ka dhacday, balse may sharrixin sida ay ula xiriirto geerida deg degga ahayd ee laacibka ku dhacday.
Dadka ka hadlay arrintan ku saabsan inuu Beegsi wadne xanuun la noolaa ayaan ahayn dhakhaatiir ama howlwadeenno caafimaad, sidaa darteed, si ku filan weli looma hayo sharraxaad ku saabsan nooca ay ahayd dhibaatadii uu sababsaday laacibku.
Hadalsame Media