Waa kee Madaxwaynaha Maraykanka soo maray ee 30 sano kahor saadaaliyey dagaalka Ukraine?

0

(Kiev) 26 Luulyo 2023 – Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Richard Nixon ayaa uga digey ninkii markii dambe isna xilkaa qabtay ee Bill Clinton ku dhowaad 30 sano kahor in Ukraine ay geli karto qalalaase dhiig badani ku daato, isagoo saadaaliyey isbedello siyaasadeed oo waawayn oo Ruushka ka dhaca, sida ku cad dokumenti loosoo bandhigay dadwaynaha todobaadkii hore.

Dokumentigan oo 7 bog ka kooban ayaa ku taariikhaysan Maarso 21, 1994-kii oo uu soo xigtay wargayska Wall Street Journal, ayuu Madaxwaynihii geeriyoodey waxa uu ka dhiibtey aragtidiisa ku wajahan xaaladda siyaasadeed ee Soviet-ka kaddib markii uu ka soo laabtay safar uu laftiisu ku tagay Ruushka iyo Ukraine.

Nixon waxa uu Ukraine ku tilmaamay “mid aanay Galbeedku ka maarmi karin” wuxuuna ka digay in xaaladda halkaas ay tahay “mid halis ah.” “Haddii loo ogolaado inay faraha ka baxdo, waxay Bosnia ka dhigi doontaa mid u ekaan doonta xaflad ka dhacday beerta PTA,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya colaadaha qowmiyadeed ee 1992-1995 ka dhacay Balkan-ka ama Yoguslavia-dii burburtay kuwaas oo galaafatay nolosha tobanaan kun oo qof.

Madaxwaynihii hore wuxuu kaloo tilmaamay xaalad siyaasadeed “aan la saadaalin karin” oo dalka ka jirta, isagoo ku calaacalay in “Baarlamaanka Ukraine uu ka sii daran yahay midka Duma ee Ruushka.

“Waxa uu ku boorriyey Clinton inuu xoojiyo joogitaanka diblamaasiyadeed ee Maraykanka ee Ukraine oo uu mudnaanta siiyo maalgelinta Kiev.” ayuu ku leeyahay qoraalka oo uu sidoo kale ku saadaaliyey in Boris Yeltsin oo ahaa MW Ruushka ee xilligaas uu doorkiisii gabay oo uu khamro iyo baashaal ku mashquulay sidaa darteedna xilka laga qaadi doono.

Waana sida dhacday oo Yeltsin wuxuu is casiley dabayaaqadii 1999-kii, waxaana bedeley Vladimir Putin oo weli xilka ku dangiiga.

Hadalsame Media