RASMI: Ciyaartooyda Ingiriiska oo la siiyey maqaamka kuwa Midowga Yurub (Kooxaha ay durba anfacday?)

0

(Roma) 26 Luulyo 2023 – Laga bilaabo xilli ciyaareedkan bilaabmaya ee 2023/24, ciyaartooyda haysata dhalashada Boqortooyada Britain iyo Switzerland looma tixgelin doono inay yihiin muwaadiniin aan EU ahayn.

Golaha Federaalka Xiriirka FIGC ee Talyaaniga ayaa wuxuu ku arrintan ku ansixiyay codsi kaga yimid Maamulka Lega Serie A, iyadoo wax laga beddelay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee ku taariikhaysan 1 Juun.

“Ciyaartooyda kubbadda cagta ee haysta dhalashada Swiss-ka iyo British waxay la mid noqon doonaan laacibiinta EU. Qodobadan waxaa lagu dabaqi doonaa xilli ciyaareedka kubbadda cagta 2023/2024”. Ayaa lagu yiri bayaanka.

Wax ka beddelkaani wuxuu si wayn u bedeli karaa xeeladaha suuqa kala iibsiga ee kooxaha Serie A ee kala duwan:

AC Milan, tusaale ahaan, waxay awood u yeelan doontaa inay diiwaan geliso ciyaaryahan kale oo aan EU ka tirsanayn Chukwueze kaddib, waayo waxaa u bannaanaaday booskii uu haystay xiddigga Ingiriiska ah ee Loftus-Cheek (kaasoo la diiwaan geliyey xilli ciyaareedka kubada cagta 2023/24).

Lazio, si aan tusaale kale u soo qaadano, waxa ay indhahooda ku hayaan Zakharyan-ka Ruushka iyo Ingiriisiga Hudson -Odoi: maadaama uu kan dambe hadda kaddib la mid yahay ciyaartooyga EU-da, kooxda Biancoceleste ayaa labadoodaba diiwaangelin karta.

Hadalsame Media