(New York) 26 Luulyo 2023 – Milkiilaha kooxda Tottenham Hotspur oo ah Bilyaneerka Joe Lewis ayaa maanta kasoo muuqan doona maxkamad kaddib markii uu isku dhiibay maamulka Maraykanka ee Manhattan, New York, markii lagu eedeeyey inuu u ganacsanayay si shraci darro ah.
Mail Sport ayaa soo warisey habeenimadii Talaadadii in dacwad oogayaasha Federaalku ay ku eedeeyeen 86-jirkan in uu si qarsoodi ah u siiyey qish sir ah saaxiibadiisa jacaylka, duuliyayaasha gaarka ah iyo asxaabtiisa si ay u sameeyaan malaayiin doollar.
Lewis waxa uu ka faa’iidaystey gudo-ogaanshaha shirkado kala duwan si uu u helo faa’iidooyin qarsoodi ah, waxaana uu usii gudbiyey dadka ku jira xayndaabkiisa hoose si ay ugu ganacsadaan xogaha uu bixiyey, sida ay dacwad-oogayaashu sheegeen.
Maalqabeenka, oo leh dooni raaxo oo $250milyan ku fadhisa taasoo uu mararka qaar ku nool yahay, ayaa lagusoo oogay 13 dacwadood oo ah wax-is-dabo marin ah [marka la eego xeerka 15-aad], kuwaasoo mid kasta uu ku mutaysan karo ugu badnaan 20 sano oo xarig ah.
Waxaa la jira saddex dacwadood oo khiyaamo dammaanadeed ah [xeerka 18], kuwaasoo mid kasta lagula xukumikaro ugu badnaan 25 sano oo xarig ah; iyo saddex dacwadood oo shirqool ah oo midkiiba uu muteysan karo ugu badnaan 5 sano oo xarig ah.
Bayaan ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Maraykanka maanta ayaa lagu yiri: ”Joe Lewis ayaa saaka iskusoo dhiibey mas’uuliyiinta Federaalka, waxaana la filayaa in maanta la horgeeyo Maxkamadda Federaalka ee degmada Manhattan isagoo loo haysto dembiyo dhowr ah.”
Hadalsame Media