Maxaa sanadkan iska bedeley awoodda ciidan ee dalka Somalia? (Arag qiimaynta caalamiga ah)

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2023 – Majalladda Global Fire Power ayaa Bishan July soo saartay liiska ay sanad walba ku soo bandhigto xogta ku saabsan awoodda militeri ee dalalka caalamka, Soomaaliya ayaana sannadkan u muuqata in hoos uga dhacday.

Gudd ahaan, waxaa sidii caadada ahaydba liiskan oo ka kooban 145 waddan ugu sarreeya Mareykanka, halka ay ku xigaan dalalka Ruushka iyo Shiinaha. Sannadkii hore liiska waxa u uku ekaa 140 dal hase yeeshee waxaa sannadkan lagu kordhiyay 5 dal ooh or leh.

Sannadkii hore Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 138-aad waxaana ka dambeeyay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jiray kaalmaha 139-aad iyo 140-aad.

Sannadkan Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 142 waxaana ka dambeeyay 3 waddan oo kala ah Maldova, Benin iyo Bhutan.

Sannadkii hore waxay ka horreysay dalalkii ka hooseeyay waxaa ka mid ahaa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo balse sannadkan waxaa Iceland ayaa ka sare martay Soomaaliya waxayna gaashay kaalinta 38-aad. Waxaa kale oo ka sare martay Kosovo oo markii hore ay ka sarerysay taas oo sannadkan gashay booska 134-aad.

Marka la eego dhanka qaaradda Afrika, Soomaaliya ayaa sidoo kale u muuqata inuu hoos u dhac ku yimid iyadoo ka hoos martay waddanka Liberia oo ay liiska uga horreysay sanadkii 2022-kii.

Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqatay inay saddexdii sano la soo dhaafay sare u soo kacaysay balse liiskan ugu dambeeyay ayaa muujinaya hoos u dhac ku yimid Soomaaliya oo waxay muujineysaa caalamad casaan ah oo hoos u jeeddaa taas oo macneheedu yahay inay hoos u socoto.

Awoodda militari ee Soomaaliya ee 2023

Ciidamada Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,WASAARADDA GAASHAANDHIGGA

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,709,302 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 123,862 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Wargeyska ayaa sannadkan qoray in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan.

Hase yeeshee waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay haysato 65 oo ah gawaarida gaashaaman.

Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3, halka tirada ciidamada baddana uu wargeyska ku sheegay inay gaarayaan ilaa 300.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Hase yeeshee tirada ciidamada cirka ayuu wargeyka ku sheegay inay tiro ahaan yihiin 300 oo askari.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.

Awoodda ay Soomaaliya u leedahay inay sare ugu qaaddo awoodeeda militari ayaa lagu qiyaasay 13, 190,000,000 oo doolarka Mareykanka ah.

Deynta dibadda waa 5, 300,000,000 halka sannadkii hore ay ka ahayd.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

BBC

Hadalsame Media