(Niamey) 26 Luulyo 2023 – Madaxtooyada Niger ayaa sheegtay in qaar ka mid ah ilaalada Madaxtooyada ay isku dayeen inay ka horyimaadaan Madaxwayne Maxamed Bazoum, iyaga oo ka digey in ciidamadu ay diyaar u yihiin in ay weeraraan haddii aysan tillaabadaa ka laaban.
Bogga rasmiga ah ee Twitter-ka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay saaka in ilaalada Madaxtooyadu ay qaadeen “tillaabo ka dhan ah jamhuuriyadda” ayna isku dayeen “si aan lagu guulaysan” inay taageero ka helaan ciidamada kale ee ammaanka.
Waxa ay intaa ku dartay in Bazoum iyo qoyskiisa ay aad u wanaagsan yihiin kaddib markii wakaaladaha wararka oo soo xiganayey ilo dhanka ammaanka ah ay sheegeen in ilaaladu ay MW Bazoum ku hayaan gudaha xarunta Madaxtooyada ee caasimadda Niamey.
Qasriga iyo wasaaradaha ku dheggan ayaa subaxnimadii Arbacadan lagu gooyey baabuur ciidan.
Shaqaalaha ku sugan gudaha qasriga ayay sidoo kale u suurta geli waydey inay galaan xafiisyadooda, iyo madaxtooyadda, sida ay ilo amni sheegeen. Balse meelaha kale ee caasimadda Niamey ayaa degganaa.
Weriyaha Aljazeera, Ahmed Idris, oo kasoo warramaya magaalada Abuja ee dalka deriska la ah ee Nigeria ayaa sheegay inuu jiro amar kasoo baxay ciidanka oo ku aadan in ciidamada daacada u ah Bazoum ay gudaha u galaan Madaxtooyada si ay u joojiyaan isku dayga afgembiga.
Wuxuu kaloo sheegay isku dhac ciidan oo ku aaddan gacan ku dhigista Idaacadda Dowladda gaar ahaan TV-ga.
Hadalsame Media