(Moscow) 26 Luulyo 2023 – Dowladda Ruushka ayaa lacag dhan $640 Milyan oo Doollar oo qaan ahayd ka dhaaftay Dawladda Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda DF Somalis Md Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir Xigeenka Maaliyadda dalka Ruushka Md. Timur Igorevich Maksimov ayaa kala saxiixday heshiiskan ay Dowladda Ruushku dalka kaga dhaaftay lacag dhan $ 640 milyan oo Doollar, sida lagu faafiyey warbaahinta DF.
Saxiixa Heshiiskan ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska dalka Somalia oo ay meel wanaagsan keentay xukuumaddii hore.
Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu berri ka furmayo shirwaynaha Afrika iyo Ruushka, kaasoo ay ka qaybgelayaan wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Waxaa beri dhowayd sidoo kale kulmay Wasiir Dibadeedka Somalia iyo dhiggiisa Ruushka, waloow uu dorraad sheegay inaanu jirin heshiis rasmi ah oo ay kala saxiixdeen.
Hadalsame Media