(Beijing) 25 Luulyo 2023 – Shiinaha ayaa qaadi doona “dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta amniga qaranka” ee ka dhanka ah shabakadaha basaaska ee Maraykanka, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mao Ning oo shir jaraa’id qabtay Isniintii.
In ka badan toban sano kaddib markii howlgalladeedii Shiinaha la kashifay, CIA ayaa hadda si firfircoon dalkaa mar kale ugu dhex jirta.
“Maraykanku dhinac wuxuu kasii wadaa faafinta macluumaadka BEEN ah oo ku saabsan waxa loogu yeero ‘Basaasiinta Shiinaha iyo weerarrada internet-ka’, dhinaca kalena wuxuu dadka u sheegayaa dhaqdhaqaaqyadiisa ballaaran ee sirdoonka ah ee lagu beegsanayo Shiinaha,” ayuu Mao u sheegay suxufiyiinta.
“Tani lafteedu waa mid daaha ka rogan. Shiinuhu wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta amniga qaranka.”
Afar maalmood kahor, agaasimaha CIA William Burns ayaa ka sheegay shir amniga ku saabsanaa oo ka dhacay Colorado in hay’addiisu ay hadda wakiillo ka qoranayso Shiinaha.
“Waxaan samaynay horumar waxaana aad uga shaqaynaynaa si aan u hubinno inaan yeelanno awood sirdoon oo aad u xooggan si aan u dhamaystirno wixii aan ku heli karno habab kale.” ayuu Burns u sheegay ka qaybgalayaasha.
Hadalsame Media