(Milano) 25 Luulyo 2023 – Saacadaha soo socda, Samuel ChukWueze, oo ah laacibkii u dambeeyey ee ay AC Milan suuqa kala iibsiga kasoo qaadatay, ayaa la filayaa inuu ku biiro Milan kaddib tijaabada caafimaadka iyo saxiixa heshiiska.
Yeelkeede, sida laga soo xigtay Milannews.it, weeraryahanka reer Nigeria oo kaga yimid Villarreal 20 milyan oo Yuuro iyo 8 milyan oo gunno ah, uma duuli doono Maraykanka halkaas oo kooxda AC Milan ay ku howllan tahay socdaalkeeda Maraykanka.
Waayo? Sababtoo ah waqtiga loo baahan yahay si loo helo ruqsadaha iyo fiisaha ayaa aad uga dheer waqtiga kooxdu joogayso Maraykanka oo ah ilaa 2da Agoosto.
Sidaa darteed, ciyaaryahanku waxa uu kusii shaqayn doonaa xerasa Milanello isaga oo sugaya soo laabashada kooxda AC Milan ee uu hoggaamiyo Stefano Pioli.
Hadalsame Media