Saacadda uu Milano kasoo degayo Chukwueze oo la shaaciyey & Laacib kale oo….

0

(Milano) 25 Luulyo 2023 – Samuel Chukwueze ayaa imaanaya AC Milan oo diyaar u ah inay soo dhoweeyso. Markii heshiiska naadiyadu uu si rasmi ah u shaacay fiidnimadii shalay, haatan xiddigga reer Nigeria ayaa wuxuu fasax ka helay Villarreal si uu ugu safro Talyaaniga.

Chuku waxa uu ka degi doonaa gegada Linate ee caanka ah Arbacada berritoole duhurkii 13.30, waxa uuna samayn doonaa tijaabooyin caafimaad si uu qandaraaska cusub ula saxiixdo Rossoneri kaasoo uu 4 milyan xilli ciyaareedkii ku qaadanayo muddo 5 sano ah.

Yeelkeede, sidii aan sii sheegnayba laacibku uma duuli doono Maraykanka halkaas oo kooxda AC Milan ay ku howllan tahay socdaalkeeda Maraykanka iyadoo la ballansan Juventus iyo Barcelona.

Waayo? Sababtoo ah waqtiga loo baahan yahay si loo helo ruqsadaha iyo fiisaha ayaa aad uga dheer waqtiga kooxdu joogayso Maraykanka oo ah ilaa 2da Agoosto.

Sidaa darteed, ciyaaryahanku waxa uu kusii shaqayn doonaa xerasa Milanello isaga oo sugaya soo laabashada kooxda AC Milan ee uu hoggaamiyo Stefano Pioli oo u diyaar garoobaysa fasalka 2023/24.

Dhanka kale, wada xaajoodyada Vallencia iyo AC Milan ayaa soconaya iyadoo ay kooxda dambe doonayso Yunus Musah oo u dhashay Maraykanka, kaasoo heshiiska afka ah la gaarey Milan, balse ay Valencia is fahmi la’yihiin.

Furlani iyo Moncada ayaase sii wadi doona wada hadalka iyadoo uu laacibku doonayo kooxda Milan oo qura, taasoo uu sidoo kale joogo laacibka Maraykanka ah ee Christian Mate Pulisic.

Hadalsame Media