(Hadalsame) 25 Luulyo 2023 – Laacibka kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa magacaabay cayaaryahankii ugu adkaa ee waayihiisa kubadda cagta ka horyimaada ilaa hadda.
Rashford ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ku qaatay Old Trafford fasalkii hore, isagoo dhaliyey 30 gool si uu Champions League ugusoo celiyo United.
Laakiin waxa uu qiray in ka gacan sarreeynta kooxaha kasoo horjeeda aysan mar walba fududayn, iyadoo dadabka Man City iyo saaxiibkiis Kyle Walker oo ay isku koox yihiin dhanka England uu u arko caqabadiisa ugu wayn.
Isagoo la hadlaya Gary Neville barnaamijkiisa ‘Quickfire Questions’ gaar ahaan qaybta The Overlap, Rashford waxa la waydiiyey xiddiggii ugu adkaa ee daafac ah, wuxuuna ku jawaabey:
”Malaha waxaan oran lahaa Kyle Walker. Awoodiisa jireed waa wax aan la rumaysan karin sidaas darteed had iyo jeer waa maalin adag marka aad la ciyaarayso.
”Waa inaad isku daydaa inaad khiyaanto isaga oo aan is ilaalinayn ama meel khaldan taagan, laakiin xitaa xitaa wuu kasoo kabsan karaa’yy ayuu yiri Rashford.
City iyo Liverpool ayaa loo arkaa inay yihiin kooxaha ugu wayn ee ay xafiiltamaan Man United, laakiin marka ay timaado sheegista midka uu sii neceb yahay, waxay u ahayd doorasho fudud Rashford.
“Liverpool,” ayuu lasoo boodey, isagoon ka labalabayn. “Ma jecli midkoodna, yacni labada naadi, laakiin Liverpool ayaan aad uii necbahay”. ayuu qiray.
Hadalsame Media